TAARIIKHA MADAXDII SOOMAALYA, BEELAHA EEY KASOO JEEDEEN IYO LOOLANKOODA SIYASADEED

July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan Daar (Aaden Cadde), oo kasoo jeeday qabiilka Hawiye beesha ujeedeen, waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007
June 10, 1967: Waxaa Soomaaliya madaxweyne ka noqday C/Rashiid Cali Sharmarke.oo kazoo jeeda qabiilka Daaroodbeesha Majeerteen October 15, 1969 ayaa la diley C/rashiid isagoo booqasho ku maraya Laascaanood. C/rashiid Cali Sharmarke waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1919 ilaa October 15, 1969.

Oct 21, 1969 – Inqilaabkii loo bixiyey ‘inqilaabkii aan dhiigu ku daadan” ayaa ka dhacay Soomaaliya, waxaana sidaas xukunka ku qabsaday Jenaraal Maxamed Siyaad Barre.oo kasoo jeedo qabiilka Darood beesha Mareexaan, Siyaad Barre wuxuu noola aintii u dhexaysey 1919 ilaa January 2, 1995 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Lagos, Nigeria.
Oct 21, 1972: Waxaa si rasmi ah loo qoray Afka Soomaaliga oo wixii xilligaas ka horeeyey aan qornayn, balse Soomaalidu weligood ku hadli jireen.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaamiyihii Inqilaabka. Wuxuuna kazoo jeeday qabiilka Hawiye, Waxaa kaloo Xilligaas ka baxay Soomaaliya C/Laahi Yuusuf oo kasoo jeeday qabiilka Daarood maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay.

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo kasoo jeeday qabiilka Daarood ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka soomaaliya, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

Aug 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la saasay April 1981), (USC oo la asaasay 1989) iyo (SPM oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre. Dhamaan jabhadahaan raga aas aasay waxeey kasoo jeedeen qabiilada Hawiye iyo Daarood
Jan 27, 1991 – Jeneral Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, jabhadahuna ay halkaas qabsadeen.
Nov 17, 1991 – Awood ku dagaalankii u dhexeeyey Jeneral Maxamed Faarax Caydiid iyo Cali Mahdi Maxamed oo labaduba kasoo jeeday qabiilka Hawiye ayaa isu rogey dagaal. Kumanaal shacab ah eey ku dhinteen boqolaal kalana eey kubara kaceen

Jeneral Maxamed Faarax Caydiid waxa uu noolaa intii u dhexeysey December 15, 1934 ilaa August 1, 1996 wuxuuna u dhintay dhaawac soo gaarey isagoo ku jira dagaal kasocday magaalada Muqdishu ee xaafada Degmada Madiino

May 2, 2000 – Shir Soomaalida lagu heshiisiinayey ayaa ka bilowday Tuulada Carta ee Dalka jabuuti, shirkaas oo ay ka qayb galeen in kabadan 2,000 oo Soomaalida hoggaamiyayaasheeda ah.

Aug 13, 2000 – Waxaa dhidibada loo taagey dawladii kumeel gaarka ahayd, dawladaas oo la siiyey muddo saddex sano ah in ay heshiis ka dhex dhaliso dadka Soomaaliyeed. Waxaa dawladaas madaxweyne u noqday C/Qaasim Salaad Xasan,oo kazoo jeedo qabiilka Hawiye iyo ra’iisul wasaarena Cali Khaliif Galayr oo isna kazoo jeedo qabiilka Daarood

June 5, 2001 – Maxamed Cawaale Liiban oo ahaa ninkii sameeyeey calanka Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey magaalada Toronto ee dalka Canada, maxamed cawaale ayaa kasoo jeeday qabiilka Hawiye

May 3, 2002: Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo kazoo jeeday qabiilka Isaaq aya ku geeriyoodey magaalada Pretoria ee dalka South Africa. Cigaal waxa uu noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya intii u dhexeysey 26kii June 1960 ilaa 12kii July 1960. Cigaal waxa uu noolaa intii u dhexeysey August 15, 1928 ilaa May 3, 2002

Oct 15, 2002 – Shirkii 14aad ee nabadaynta Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Sept 15, 2003 – Waxaa lagu heshiisey axdiga kumeel gaarka ah ee Soomaaliya iyo in dawlada la dhisayo ay cod-bixin dalka Soomaaliya ku gaarsiin doonto muddo shan sanadood ah, taas oo ku xigtay markii uu dhammaaday waqtigii saddexda sano ee dawladii hore ee kumeel gaarka ahayd. Dawladan cusub waxaa loo bixiyey DFKMG (Dawlada Federaalka Kumeel gaarka ah).

Aug 2004 – Waftiyadii ka qayb galayey shirka Soomaalida uga socdey Kenya ayaa doortay 275-xildhibaan, kuwaas oo lagu soo xulay hab qabiil oo loo bixiyey 4.5.

Oct 10, 2004 – Baarlamaanka FKMG ayaa C/laahi Yuusuf Axmed, kasoo jeeday qabiilka Daarood ayaa loo doortay madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya.

Nov 3, 2004 – Madaxweynaha DFKMG ayaa ra’iisul wasaare u magcaabay Cali Maxamed Geedi oo isna kazoo jeedo qabiilka Hawiye Dec 1, 2004 – Ra’iisul wasaaraha la doortay Cali Maxamed Geedi ayaa dhaariyey xukuumadiisa oo ka koobnayd 27 wasiir.

Jan 31, 2005 – magaalada Muqdisho ayaa dabley hubaysani toogasho ku dileen sarkaal Soomaaliyeed oo lagu magcaabi jirey Hersi Cumar Dhorre, oo kasoo jeedo qabiilka Daarood taas oo loo micneeyey in lagu wiiqayey awooda xukuumada cusub DFKMG. waxaana Midowga Afrika eey kulankoodii lagu qabtay Nigeria, ku ansixiyeen in Soomaaliya loo diro ciidamada shan dal oo ka tirsan Afrikada Bari (IGAD) si ay dawlada cusub ee Soomaaliya uga kaalmeeyaan sidii ay u tegi lahayd Soomaaliya. Shantaas dal oo ah: Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, iyo Sudan.

Feb 9, 2005 – Cusmaan Cali Caato oo kasoo jeedo qabiilka Hawiye (oo ay hay’adda Reuters ku tilmaantay: Qabqalaha Dagaalka ahna wasiir katirsan dawlada DFKMG) ayaa Soomaalida waxa uu ugu baaqay in ay weerar kala hor yimaadaan ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dawlada Soomaaliya, ciidamadaas oo ka imanaya dalka Itoobiya ee xurgufta taariikhiga ay ka dhaxayso Soomaaliya.

Feb 24, 2005 – Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa doorashadoodii kadib markii ugu horeysey ku laabtay Somaaliya, waxayna ka degeen magaalada Jawhar. Waxayna safarkaas kusoo mareen Beledweyne, Galkacyo, Boosaaso iyo Baydhabo.

March 17, 2005: Gudoomiyaha baarlamaanka DFKMG, Shariif Xasan Sh Aadan, oo kazoo jeedo qabiilka DIGIL iyo MIRIFLE ayaa kulan uu Nairobi ku yeeshay baarlamaanka DFKMG kaga dhawaaqay in baarlamaanku isku raacay in aan Soomaaliya la keenin ciidamo ka socda wadamada safka hore kadib markii loo qaaday cod far taag ah, waxyar ka dib markii ay suurta gali waysay dagaalna ka dhacay in codka qarsoodiga ah loo qaaddo ciidamadda safka hore in la geeyo soomaaliya, waxana soo xaadiray xildhibaano gaarayay 217 Waxaa diiday safka hore 156, waxaana ogolaatay in la keeno safka hore 55, halka 6 ka mid ahina ay ka gaabsadeen, sidaas ayaana lagu ansaxiyay in baarlamaanku diiday ciidamadda wadamada dariska la ah soomaaliya. Kaddib waxaa baarlamaanka ka dhacay dagaal feer iyo gacan iyo laad la isla dhacay, kuraasna la isu adeegsadey, qayb xildhibaanada ka mid ah ayaana halkaas dhiig lagaga daadiyey.

April 29, 2005 – Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa markii ugu horeysey u duulay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, si uu u xaliyo khilaafka dawlada soo kala dhex galay ee ku saabsan halka ay dawladu degi doonto iyo arrimha la axiriira ciidamada nabad ilaalinta.

May 3, 2005 – Qarax ayaa ka dhacay garoonka ciyaaraha Muqdisho (stadium Mogadishu) halkaas oo uu ka khudbaynayey ra’iisul wasaare Geedi, qaraxaas oo keenay dhimasho iyo dhaawac.

May 11, 2005 – Xildhibaan tiradoodu dhan tahay 152 ayaa Nairobi ku yeeshay kalfadhi uu dalbaday Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, kalfadhigaas waxaa Baarlamaanku ku ansaxiyey in dowladu dagto Baydhabo iyo Jowhar iyo in ciidamo ka socda Midawga afrika (Suudaan & Uganda) (iyo carab) la geeyo Soomaaliya . Kulankaas waxaa ka maqnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan. Waxaa shir gudoomiye ka ahaa gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Prof Maxamad Cumar Dalxa oo kasoo jeedo qabiilka jareer weyne

May 12, 2005 – Shariif Hasan Sheikh Aaden oo ah afhayeenka Baarlamaanka KMG ayaa sheegay in uu aadi doono Muqdisho, isla mar ahaantaasna xubnaha kale ee Baarlamaanka ku qancin doono in ay u raacaan Muqdisho, halkaas oo uu sheegay in kulanka labaad ee Baarlamaanka lagu qaban doono. Waxaa si cad u soo shaac baxay kala qaybsanaanta DFKMG ay ku kalaqaybsan tahay meesha ay degeyso dawladu: Muqdisho mase Jawhar & Baydhabo.

May 13, 2005 – Midowga Afrika ayaa Addis-Ababa kaga dhawaaqay in ay Soomaaliya u diri doonaan 1,700 oo askari, kuwaas oo ka qayb qaadanaya (ammaanka) dib u celinta dawlada Soomaaliya loogu dhisay Nairobi. Ciidamadaas waxaa habeenimadii Khamiista (May 12, 2005) ansixiyey qaybta Midowga Afrika u qaabilsan ammaanka. Ciidankaasi waxay ka iman doonaan labaad dal ee kala ah: Ugandha iyo Suudaan. Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geedi, oo marka go’aankaasi dhacayey ku sugnaa Addis-Ababa ayaa sheegay in Soomaaliya aqbashay in ciidamadaas la keeno, isla maalin ka hor ayey ahayd markii Addis-Ababa uu ka sheegay Ra’iisul wasaraha Itoobiya in Muqdisho ay joogaan waxa uu ugu yeeray “Argaggixiso” eedayntaas oo caado u ah Zenawi oo aan marna xusin qadiyada dhabta ah ee u dhexaysa Soomaaliya iyo Itoobiya taas oo ah: Dhul & Dad ay gumeysato Itoobiya.

Jun 13, 2005 – Dawlada FKMG oo bilowday geedi ay ugu guureyso Soomaaliya, kana guureyso Nairobi oo ay ku sugnay 9 bilood: MDFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa khudbad sagootin ah waxa uu u jeediyey reer kenya, halkaas oo ay dawlada Soomaaliya ku sugnayd ilaa markii la soo magcaabay (Oct 2004). Waxaa halkaas kusii sagootiyey madaxweynaha kenya, Mwai Kibaki. Sagootintaas oo lagu qabtay guriga looga arrimiyo Kenya ee loo yaqaan “State house” waxaa goob joog ka ahaa ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali maxamed Geedi, iyo xubno ka tirsan labada gole ee DFKMG. Madaxweynaha waxa uu u safrayaa dalka Qadar, ra’uusul wasaaruhuna jawhar, baarlamaanka oo la kaladiray (June 12, 2005) iyo golaha wasiiradu waxay u safrayaan gobolada kala duwan ee dalka.

June 25, 2005: Dowlada Yeman ayaa ku guulaysan waysay in ay heshiis gaaraan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG, kadib wadahadalo ay dowlada Yemen uga furtay magaalada sanca ee dalka yaman. Kulamada la isku soo hor fariisinayo madaxda ugu saraysa DFKMG waxay yemen ka dhaceen (21/6/2005) iyo (22/6/2005), inkastoo (23/6/2005) Madaxweyne C/laahi isaga keligiis uu madaxtooyada kula kulmay madaxqweynaha Yemen Cali Cabdalla Saalax halka Guddoomiye Shariif Xasan uu ku qaabilay qolkii uu ka degganaa Hoteel Taaj Saba.

June 30, 2005: Ciidamo ka socda dunida Islaamka oo nabad Ilaalin ah oo loo dirayo Soomaaliya. Sidaas waxaa lagu go’aamiyey Kalfadhigi 32aad ee wasiirada arimaha dibadda ee dalalka Islaamka oo ay ka soo qayb galeen 54 dawladood oo kamid ah 56-da dal ee xubnaha ka ah Ururuka Islaamka, kalfadhigaas oo lagu qabtay caasimada dalka Yemen ee Sanca, (June 28-30, 2005), ciidamadaas oo ku shaqayn doona magaac Qaramada Midoobey (UN). Waxaa kale oo isla kulankaas lagu go’aamiyey in la sameeyo guddi ka socda ururuka Islaamka oo soo arka sida dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

Januray 5, 2006: Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sh. Aadan, ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Cadan ee dalka Yemen, heshiiskaas oo ah in ay soo afjaraan xurguftii u dhexeysey labada garab ee Dawlada Federaalka ee Jowhar iyo Muqdisho. Heshiiskaas in uu dhaco waxaa ku guuleystey madaxweynaha Dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, oo labada garab ku casumay dalkiisa.
January 30, 2006: Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawlada FKMG ayaa shaaca ka qaaday in kulanka kowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya markii ugu horeysey lagu qaban doono magaalada Baydhabo, waxana uu guddoomiyuhu markaas joogey jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

February 11, 2006: Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa kulan ku yeeshay Madaxweynaha DFKMG, C/Laahi Yuusuf, Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan, iyo Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi. Waxana ay kawada hadlen kulanka barlamaanka ee qorshaysnaa in uu ka dhaco Baydhabo.

February 18, 2006: Siddeed qabqable-dagaal oo badankoodu ka mid ahaa wasiirada DFKMG ayaa waxa ay asaaseen Isbahaysi ay u bixiyeen la dagaalanka “argaggixisada”. 8daan qabqable ayaa ahaa dhamaantood kazoo jeeday qabiilada Hawiye iyo Daarood

February 26, 2006: Baarlamaanka FKMG ayaa markii ugu horeysey ku kulmay Baydhabo, qabqablayaasha ka soo horjeedey dowlada ay ka tirsanaayeen ee ku dhawaaqay Isbahaysiga kama ay soo qayb gelin kulankaas. Baarlamaanka DFKMG waxaa Kenya lagu soo dhisay sannadkii 2004.

February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay Golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay ladagaalanka “Argaggixisada.” Golahaan ayaa waxaa ku dhawaaqay rag kasoo jeedo beeelaha Hawiye

March 21, 2006: Waxaa Muqdisho ka dhacay dagaal aad u culus, kaas oo socdey ilaa March 23keedii, dagaalkaas oo u dhexeyey Midowga Maxaakiimta Islaamka iyo Isbahaysigii la baxay Ladagaalanka “Argaggixisada”, dad farabadan ayaa dagaalkaas ku dhintay, in badana guryahoodii ayey ka qaxeen.

April 21, 2006: Xubin ka tirsan Isbahaysiga labaxay la dagaalanka “Argaggixisad” ayaa sheegay in ay dalka ka dhisi doonaan Dowlad ay iyagu maamulaan.

May 4, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf ayaa Maraykanka ku eedeeyey in uu gacan siinayo Qabqalkayaasha dagaalka.
May 4, 2006: Dagaal culus ayaa markale ka bilowday Muqdisho, in kastoo ay jirtey xabbad joojin.

June 2, 2006: Kumanaan tageersan Isbahaysiga Maxaakiimta Islaamka ayaa mudaharaad ku dhigay Muqdisho ay kaga soo horjeedaan Maraykanka.

June 4, 2006: Midowga Maxaakiimta ayaa qabsaday magaalada Balcad, waxana ay ka qabsadeen Isbahaysigii la dagaalanka “Argaggixisada.”
June4, 2006: Ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi, ayaa ayaa xilalkii ka qaaday afar wasiir oo ka mid ahaa golahiisa wasiirada, oo ah kuwii asaasay isbahaysigii la baxay la baxay dagaalanka “Argaggixisada, wasiirada xilka laga qaaday waxay jagooyinkoodu ahaayeen: Wasiirka Amniga Qaranka, Wasiirka Ganacsiga, Wasiirka Diinta & Awqaafta iyo Wasiirka Dhaqan Celinta Maliishiyaadka & Hubka ka dhigista – waxaana wasiiradaas laga saaray Golaha Wasiiradda Dowlada FKMG ah Ee Soomaaliya.

June 5, 2006: Maxaakiimta Islaamka ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Guddoomiyaha Isbahaysiga Maxaakiimta, Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo kazoo jeedo qabiilka Hawiye waxa uu maalintaas yiri “Waxa aan Muqdisho kusoo celineynaa nabadda iyo deganaanshaha. Waxaan diyaar u nahay in aan la hadalo qof kasta iyo koox kasta annagoo u danayneyn dadweynaha.”

June 14, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey Magaalada Jowhar oo xarun u ahayd Qabqalayaasha dagaalka. Sheikh Shariif ayaa isla maalintaas la hadlay reer Jowhar, waxana uu u yiri “Waxaan idin wadnaa Kitaabka…”

June 14, 2006: Baarlamaanka DFKMG ayaa Baydhabo ku ansixiyey in Soomaaliya la keeno ciidamo shisheeye. Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Sh. Aaden, ayaa sheegan in cod bixin la qaaday waxaana in

ciidamo shisheeye la keeno ansixiyey 125 xubnood, waxaana diidey 73 xubnood.
June 15, 2006: Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa kusoo wareegtey Midowga Maxaakiimta Islaamka.

June 15, 2006: Waxaa soo shaac baxay in Maraykanku uu Qabqablayaasha dagaalka Soomaaliya muddo 3 sano ah siin jirey lacag dhan $100,000 ilaa $150,000 bil kasta, xilli laga awood roonaaday qabablayaashii, qaarna ay ka baxeen isbahaysiga.

June 15, 2006: Magaalada New York ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana kulankaas lagu asaasay urur ka kooban dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Yurub, Italy, Norway, Sweden, iyo Tanzania oo loo bixiyey “Somalia Contact Group”. Waxaana goob-joog ka ahaa UN iyo AU. Kulankaas laguma marti qaadin ururka Jaamacadda Carabta. Xoghaya Guud ee Ururka Carabta (Arab League), Camar Muussa ayaa sheegay in ay ka shiri doonaan xaaladda cusub ee Soomaaliya, waxana uu ka digey ciidamo shisheeye oo la keeno Soomaaliya.

June 15, 2006: Madaxweynaha DFKMG, C/laahi Yuusuf, iyo Gudoomiyaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga, Sheikh Shariif Axmed, ayaa madaxweynaha dalka Yemen, Cali Cabdalla Saalax, ka aqbalay inay wada hadlaan…

June 22, 2006: Heshiis ayaa magaalada Khartuum ku dhex maray Midowga Maxaakiimta Islaamiga iyo Dowladda Federaalka Kumeel gaarka. shirka heshiiska lagu gaarey waxaa soo qaban qaabisay dowladda Suudaan, waxaana shir guddoomiye ka ahayd Jaamacada Carabta. Kulankaas waxaa ka qayb galay wafti kasocdey DFKMG oo uu hoggaaminayey madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo ay weheliyeen ra’iisul wasaaraha DFKMG, Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiha Baarlamaanak DFKMG, Shariif Xasan Sh. Aaden. Dhanka Midowga Maxaakiimta Islaamka waftiga ka socdey waxa ay ka koobnaayeen 10 xubnood oo uu hoggaaminayey Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Heshiiska waxaa labada dhinac u saxiixay Wasiirka Arrimaah Dibada DFKMG, Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil iyo Dr. Maxamed Cali Ibraahim. Qodobada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa: (1) In labada dhinac ay joojiyaan hujuumka ay isku wadaan ee xagga militari iyo xagga saxaafadda. (2) Labada dhinac uu midba midka kale aqoonsado. (3) in furo maxkamad la soo taagayo dembiilayaashii dagaalka (War Crime Trial). (4) Dhawridda Midnimada Soomaaliya, iyo dhawrida wadajirka Dhulka Soomaaliya. (5) In dadka Soomaaliyeed lagu caawiyo dib u dhiska hay’adihii qaranka, dib u dejin iyo horumarin.

June 24, 2006: Kulan aad u balaaran oo ay ka qaybgaleen waxgarad, Culuma’u-diin, Odoyaal iyo dad magac ku leh dalka oo lagu qabtay Muqdisho ayaa lagu magacaabay labo gole oo ah: Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed (kaas oo bedeli doona Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah), iyo Golaha Shuurada Soomaaliyeed(ama golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed). Sababaha golahaan loo magacaabay ayaa ah sidii howlaha Maxaakiimta loo gaarsiin lahaa dhammaan dalka oo dhan. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa loo magacabay Guddoomiyaha Golaha fulinta Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxaana Guddoomiye ku xigeenka koowaad loo magacaabay Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Guddoomiye ku xigeenka labaadna Sheekh C/qaadir Cali Cumar. Guddoomiyaha Golaha Shuurada waxaa loo magacaabay Sheekh Xasan Daahir Aweys, Guddoomiye ku-xigeen Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar, Guddoomiye Ku-xigeenka labaadna Sheikh C/llaahi Afrax Aasbaro, xoghayaha Shuuradana waxaa loo magacaabay Sheikh Maxamuud Ibraahim Suulay. Golaha Shuurada ayaa ka kooban 88-xubnood kuwaasoo ka kala socda qaybaha kala duwa ee bulshada. Masuuliyiintaan la magacaabay dhamaantood waxeey ksoo jeedeen qabiilka Hawiye

September 18, 2006: Waxaa magaalada Baydhabo ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu damacsanaa in lagu dilo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaa qaraxaas ku dhintay dhawr qof oo uu ku jirey nin ay walaalo ahaayeen Madaxweynaha DFKMG, waxaana gubtey dhawr gaari, waxana qaraxaasi uu ka dhacay meel wax yar u jirta halka uu ka socdey kulanka golaha Baarlamaanka DFKMG oo u fadhiyey cod bixin lagu ansixinayey gole wasiiro ah oo uu soo dhisay ra’iisul wasaaraha DFKMG, kulankaas oo ahaa meeshii uu ka soo baxay Cabdullaahi Yuusuf in yar ka hor intii aan qaraxu dhicin.

September 24, 2006: Midowga Maxaakiimta Islaamiga ayaa la wareegey gacan ku haynta magaalada Kismaayo kaddib markii uu magaalada ka baxay wasiirkii gaashaandhigga ee DFKMG, ahaana hoggaamiyihii Isbahaysiga Dooxada Jubba, Col. Barre Hiiraale. Waxana uu magaalada ka baxay markii ay ciidamada Maxkamaduhu soo gaareen duleedka Kismaayo, Isbahaysigii dooxada Jubbana uu u kala jabay laba garab, sidaasna ay maxkamaduhu kusoo galeen Kismaayo ayadoo aan dagaal ka dhicin.

November 26, 2006: Waa markii ugu horeysey ee Ciidamo Itoobiyaan ah oo watey ilaa 50 Tikniko ah ay galeen magaalada Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya iyagoo ka faa’iidaysaney kala qaysanaanta Soomaalida.

December 28, 2006: Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka Baxay Muqdisho, waxaana aarrintaas shaaca ka qaaday Sh. Shariif Sh. Axmed oo telefoon kula hadlay Telefishanka Al Jazeera, oo yiri: “Waxan magaalada Muqdisho kasaarnay dhammaan hoggaankanagii iyo xubnihii ka hawl gelayey.” Waxana uu intaas ku daray in “maxkamadaha Islaamigu ay midaysan yihiin”, waxana uu ka bixidda Muqdishu ku tilmaamay bedelaad xeeladeed. Waxaa markaas magaalaad Muqdisho galay ciidamada Itoobiya.

January 1, 2007: Maxkamada Islaamiga ayaa ka baxay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

January 17, 2007: Baarlamaanka Baydhabo ee DFKMG ayaa kulan ay soo xaadireen 192 xildhibaan waxaa 183 ka mid ahi ay kalsoonida kala laabteen gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aadan, halka 9 ka mid ah xildhibaanadu ay arrintaas diideen, waxaana kulankaas shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cismaan Cilmi Boqore. Oo kazoo jeeday qabiilka DIR Laakiin Shariif Xasan Sh. Aadan arrintaas ganafka ayuu ku dhuftay.

January 31, 2007: Guddoomiyiha Baarlamaanka DFKMG waxaa loo doortay Shiikh Aadan Madoobe oo kazoo jeeday qabiilka DIGIL iyo MIRIFLE [10-Musharax ayaa isku soo taagtay Xilka Gudoominimada Baarlamaanka waxaana markiiba iska casilay 3-Musharax, waxaana tartamay 7-Musharax iyadoo Aakhiritaankii ay isugu soo horeen 2-Musharax oo kala ah Shiikh Aadan Madoobe iyo Ibraahim Max’ed Kiish Bur, waxaana 153-cod ku guuleystay Shiikh Aadan Madoobe halka Ibraahim Kiishbuur uu ka keenay 50-cod. Hase yeeshee Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG. “Xilka waxaa dhiibi karaa markii si cadaalad ah la’iga qaado oo la raaco Dastuurka” ayuu yiri Shariif Xasan oo sheegay in Baarlamaanka Soomaaliya uu la heyste u yahay Ciidmada itoobiya. Shariif Xasan wuxuu sheegey inuu sii wadi doono howlihii dib u hashiisiinta ee uu ka dhex waday Bulshada Soomaaliyeed wxa uuna ku tilmaamay doorashada Gudoomiyanimda ee Shiikh Aadan Madoobe mid ay ka soo shaqaysay Dowladda itoobiya waayo waxay weligeed ku taameesay sidii uu Shiikh Aadan Madoobe uu u noqon lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka maadaama maanta ay fursad u heshay..

June 5, 2007: Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Itoobiya, Meles Zenawi, ayaa magaalada Muqdisho ku tegey kulan aan hore loo sii shaacin oo qorsoodi ahaa oo saxaafada adduunku ugu yeertay “safar kusoo bood ah”.
June 8, 2007: Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan Cadde”, madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya, ayaa ku geeriyoodey magaalada Nairobi. [Aadan Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007].

October 29, 2007: Cali Maxamed Geeddi ayaa iska casiley ra’iisul wasaaranimadii DFKMG, kaddib markii khilaaf soo kala dhex galay Geeddi iyo C/laahi Yuusuf.. Markii dambe Geeddi waxa uu sheegay in sabata khilaafk aay sal u ahayd Batroolka Soomaaliya. Geeddi waxa uu ra’iisul wasaare u ahaa DFKMG intii u dhexeysey November 3, 2004 ilaa October 29, 2007.

November 4 – 10, 2007: Waxa uu ahaa toddobaad ay ciidamada Itoobiya magaalada Muqdisho ka geysteen xasuuqii ugu darnaa, iyadoo wararka qaar sheegeen in hal maalin la diley dad shacab ah oo gaaraya ilaa 50 qof.

November 22, 2007: Col. Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo kasoo jeedo qabiilka Hawiye ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha DFKMG, waxaana lagu dhaariyey Baydhabo Nov 24, 2007.

December 2, 2007: Col. Nuur Cadde ayaa soo magacaabay golihiisa xukuumadda oo ka kooban 73 xubnood oo isugu jira 31 wasiir, 11 wasiiru dawlo iyo 31 wasiir xigeen. Maalintii xigtey waxaa soo baxay in wasiiro uu magacaabay ay is-casileen iyagoo tilmaamay in markii la soo magacaabay aan lala tashan iyo in aan magacaabista wasiirada la waafajin nidaamka 4.5 ee ay ku salaysan tahay DFKMG ee awood qaybisga Qabiilooyinka, waxaa kale oo soo shaac baxay in beelo Soomaaliyeed aysan ku qanacsanayn habka loo soo dhisay golaha wasiirada. Col. Nuur Cadde safarkiisii ugu horeeyey waxa uu Dec 5, 2007 ugu ambabaxay magaalada Addis Ababa.

December 2, 2007: Hay’adaha u dooda xuquuqda Insaanka ayaa sheegay in sannadka 2007 tirada dadka Soomaalida ah ee lagu diley Soomaaliya in ay gaareyso ilaa lix kun (6000) oo qof. [Tirada la diiwaan geliyey waa 5,930 oo dhimasho ah, 7,980 oo dhaawac ah iyo 717,784 oo barakacay.]

December 29, 2008: Waxaa xilka madaxweynaha DFKMG iska casiley Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

January 30, 2009: Kulan ay xubnaha Baarlamaanak DFKMG ku yeesheen Jabuuti, ayaa waxaa madaxweynaha DFKMG loo doortay Shariif Sheikh Axmed.oo kasoo jeedo qabiilka Hawiye Musharaxii xigey ee codadka badan ka helay baarlamaanka waxa uu ahaa Maslax Maxamed Siyaad Barre oo isna kasoo jeedo qabiilka Daarood oo uu dhalay madaxweynihii saddexaad ee Jamhuuriyaddii Dimoqraadiga Soomaaliya.

Feruary 13, 2009: Madaxweynaha DFKMG oo ku sugnaa Jabuuti ayaa ra’iisul wasaaraha DFKMG waxa uu doortay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo isna kasoo jeedo qabiilka Daarood oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya, C/rashiid Cali Sharmaarke oo la diley Oct 15, 1969.

This slideshow requires JavaScript.

Hadaba dadka aan kor kusoo sheegnay ayaa maanta qaranimadii Soomaaliyeed hogaaminaya aaway soomaalidii kale oo dalkaan hogaankiisa ineey usoo istaagaan la doonayay? Inta hawiye Iyo daarood eey hogaanka dalka hayaan walaahibeysan Somalia hagaageynin sababtoo ah waa dad xifaaltan ka dhaxeeyo.

waxaa kaloo jira ood lasocotaan in labadaan reer intii eey hogaanka sare ee dalka hayeen eey lumiyeen dhulalka soomaaliya maanta ka maqan dhibaato iyo bur burna dadka u horseedeen.

hadaba waxaanu soo jeedineynaa in qabiilooyinka kale ee Soomaaliyeed eey usoo istaagaan qabashada hogaanka sare ee dalka, isla markaasna labadaan reer ee hawiye Iyo daarood aan laga ogolaanin mar dambe in hogaamintooda eeysan sii soconin si inta Soomaali hartay maanta loo badbaadiyo madaama mudo 60 sano ah eey soomaali ku soo hoos jireen hogaanka hawiye Iyo daarood waa in labadalaa hada hogaankaas oo dadka kale ee Soomaaliyeed eey dalka ka noqdaan madaxweyne Iyo raisul wasaare

Waxaa qoray Avv Abdulrazak

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home