Daawo Munaasabada caleemasaarka gudoomiyaha baarlamaanka Konfur gaslbeed

Xaflada Caleema saarka Gudoomiye barlamaanka koonfur galbeed Cabduqaadir Shariif Sjeikhuna Maye ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo, xafladaan oo si aad ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb masuuliyiinta ugu sareysa dowlada federaalka soomaaliya, gud, barlamaanka federaalka, wasiirka arimaha dibada Ethiopia, safiiro, madaxda maamul goboleedyada, xildhibaano, odayaan, wasiiro, wakiilada beesha caalamka iyo marti sharaf aad u fara badan

12540822_1025444654183903_3949242909062279160_n

xafladaan oo si toos ah looga daawanayay TV ga Universal cidii eey dhaaftay halkaan haka daawato hada

Munaasabada caleemasaarka gudoomiyaha baarlamaanka Konfur galbeed

Wariye madkuus

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Somalia oo lagu soo dhawayey magalada Bay

daawo muqaalka gudoomiyaha baarlamaanka koonfur galbeed soomaaliya oo lagu soo dhawayey magalada bay kadib safar shaqo ah ee uu ugu maqnaa magaalada muqdisho

index

Hoos ka daawo

GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO LAGU SOO DHAWAYEY MAGALADA BAY

Baraawe News Online Baydhabo

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Xagey Ka Baxeen Ugaandheyskii Joogay Marriin-gubaay

Baraha la isugu gudbiyo  wararka ayaa lagu daabacay in ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa uganda ay isaga baxeen deegaanka Wareermale iyo Maryan gubaay oo ka tirsan ttuulooyinka hoos taga caasimada maamul goboleedka KG ee Baraawe

Wareemale ayaa ciidamada ugaandha waxay ku lahaayeen saldhigyo waa weyn oo ay ka difaacayeen magaaalo xeebeedka baraawe ee sh/hoose.

Dadka deegaankaasi ku nool ayaa sheegay in jimcihii shalay ay waayeen ciidamadii wareemale saldhiga ku lahaa kaliya ay arkeen raadadkooda oo ku sii jeeda degmada baraawe.

Ciidamada Amisom aya dhowr hore isaga baxay deegaanno ay kamid yihiin Jannaale,Kurtun waareey iyo awdheegle oo sh/hoose iyagoo taa ula jeeday xeelado malateri

4027534-3x2-940x627-415x260

Xaafiiska Wararka Baraawe News Online ee Muqdisho

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gudoomiyaha Gobolka Bay oo Fariin Adag U Direy Puntland iyo Somaliland

Gudoomiyaha Gobolka Bay C/rashiid C/laahi Maxamed (LFC) Ayaa fariin adag u direy Maamulada Puntland inay  xaqdhowraan Shacabka Ka Soojeeda Degaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kuwaasoo halkaas ku leh Mehrado Ganacsi, qaarna ay degan yihiin kudhowaad mudo 30 sano ah.

xaflad1

Gudoomiyaha ayaa sheegey in Puntland iyo Somaliland Dadkaas ay ka qaadaan Canshuur isla markaana waxa uu sheegey inay u diidaan Xaquuqdii ay ku lahaayeen Labadaasi maamul, sida Ka Qiib Galka Siyaasada

Hoos ka daawo

Gudoomiyaha Gobolka Bay Oo Fariin Adag U Direy Puntland iyo Somaliland

Xaafiiska Wararka Baraawe News Online ee Muqdisho

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

M/WEYNE XASSAN SHEIKH OO LAGU BAHDILAY GAROONKA ADDIS ABABA

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Boley kusoo dhaweeyay Wasiiro ka tirsan xukuumada Hailemariam Desalegn, mana jirin mas’uul sare oo kusoo dhaweeyay garoonka markii laga reebo Wasiiro lagu mashquuliyay.

Madaxweyne Xassan ayaa isku diyaarinaayay in Garoonka uu kusoo dhaweyn doono Ra’isul wasaaraha dalkaasi Hailemariam Desalegn hayeeshee ma aysan dhicin waxa bahdilkaasi uu daba socdaa bahdilkii Xassan laba maalin ka hor loogu geystay garoonka Eldoret ee Kenya xili uu ka qeybgalaayay Aaska Askarta Kenya.

adis-xasan-2

Xassan iyo Wafdigiisa ayaa magaalada Addis ababa uga qeybgalay shir madaxeedkii 26-aad ee Ururka Midowga Afrika.

Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa Arrimaha ugu Waa-weyn ee looga Wada-hadlayo waxaa ka mid ah colaadaha ka Aloosan dalalka Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa inta uu kulankaan socdo Wuxuu Shir-guddoominayay shirka Madaxda dalalka Bariga Afrika ee ku jira taliska ciidanka Gaarka ah ee Bariga Afrika. Kaasoo looga Tashanayo Xasaradda ka aloosan dalka Burundi iyo sidii dalkaasi ciidammo nabad-ilaalin ah loogu diri lahaa.

Xaafiiska Wararka Baraawe News Online ee Muqdisho

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Maamulo la isaga dhawaaqanaya oo Muqdishu kusoo badatay iyo dowlada Somalia oo ka gaabsatay arimahaas

Munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa looga dhaqaaqay Maamul cusub loogu magac darey Waamo State, kaasoo la sheegay inuu ka arimin doono deegaanno ka tirsan gobalada Jubooyinka.

Madaxweynaha Maamulkaan cusub ayaa loo magacaabay Axmed Sheekh Aadan Dheere, kaasoo faaf-faahin ka bixiyey sababta loo dhisey maamulkaan

DSC01135

Beeshaan maamulka ku dhawaaqday ayaa ah beesha Habagidir ee sacad, isla markaasna waxaa arimaha magacaabida maamulo TV yada laga soo deynaya oo geyiga Soomaaliya iyo siyaasada dalka kusoo badatay maal mahaan ayaa shacabku waxey is weydiinayaan dhibaatooyinka ka imaan kara ku been abuurashada iyo colaad hurinta eey sameyn nayaan shaqsiyaad iyo kooxo dano aan la ogeyn ka wata dalka

HOOS KA DAAWO

MAAMULKA WAAMO STATE OO LOOGA DHAAWAQAY MAGAALADA MUQDISHO

Baraawe News Online-Muqdisho

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Shirkii Lambar konton ee beesha Biimaal oo fashil ku soo dhamaaday laguna kala tagay

Sida eey wararku sheegayaan, waxaa Maalinkii shalay lagu waday in Nambar Konton uu ka dhaco kulan ay soo qaban qaabiyeen Koox uu hogaaminayo Cabdullaahi Waafoow.

Kulankii shalay lagu waday ayaa baaqday kadib markii Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Biimaal ay ka digeen in aan laga qeyb galin kulan lagu lug gooynaayo Beesha Biimaal.

Waxaa arintaas aad uga carooday Cabdullaahi Waafoow iyo Kooxdiisa, iyagoona isku dayay in ay qabtaan kulankaas, balse waxeey waayeen Cid Magac ku leh Beesha Biimaal oo kasoo qeyb gasha kulankaas.

Dadaal dheer oo ay sameeyeen Kooxdaan ayaa waxey maanta isugu keeneen Nambar konton Odayaal kasoo Jeeda Beesha Garre iyo qaar kale oo kasoo Jeeda Beesha Biimaal.

Inta aan laga hadlin Ajandaha Shirka, waxaa kulanka kasoo qeyb galay qaar ku labisan Fanaanadaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed, kuwaas oo Waafoow ku noqotay dhabar Jab, waxaana Odeyaashii Garre ay meesha ka sheegeen in ay kasoo horjeedaan Shariif Xasan balse ay kulanka ay ku arkayaan Dad ka tirsan Beesha Biimaal oo ku labisan Sawirada Shariif Xasan.

Intaasi kadib Waafoow ayaa la hadlay Dadkii kusoo labistay Sawirada Shariif Xasan, isagoona ka dalbaday in ay kusoo la bistaan Dhar kale, balse Dadkii meesha joogay waxa ay sheegeen in aan lagu soo wargelin kulan ka dhan ah Maamulka Koonfur Galbeed, taasoo markii dambe sababtay in Kulanka sidaasi ay uga qeyb galaan

Inta uusan kulanka Furmin waxaa gacanta taagtay Odayaal ka socday Beesha Garre kadib markii ay arkeen in Beesha Biimaal aysan diyaar u aheyn in ka baxaan Maamulka Koonfur galbeed, waxeyna sheegeen in marka hore Beesha Biimaal ay miiska soo dhigto Lacagta Gaari Jandiyeesha ah oo ay sheegeen in Beesha Biimaal ay ka gubtay.

Sidoo kale waxaa iyagana gacanta taagtay Odayaal ka tirsan Beesha Biimaal waxa ayna sheegeen in aysan jirin Gaari ay leedahay Beesha Garre oo uu Biimaal gubay, hadaan nahay Odayaasha Beesha Biimaal ma jirto wax Cadaawad ah oo aan u qabno Beesha Garre, kaliya waxaan rabnaa in ay noo sharaxaan Sawabta ku kalifta mar walba in Mooryaanta Habargidir ay ka garab dagaalamaaan.

Wixii intaas ka dambeeyay waxaa meesha ka biloowday Buuq iyo sawaxan, Waafoow oo isku dayay in uu qanciyo Odayaashii ka socday Beesha Garre ayaa ku guul dareestay, maadaama Odayaashii Beesha Biimaal ay sheegeen in aysan la fariisan doonin, Dad wakiil ka ah Mooryaanta Habargidir.

Inta aan la guda galin Ajandayaashii ay wateen Kooxda Waafoow, ayaa lagu kala dareeray, waxaana Waafoow iyo Kooxdiisa ay abaabuleen Koox yar, kuwaasoo Sawiro isaga qaaday meesha, qudbadana ku duubay si ay u qaldaan Dadka aan ku sugneen Goobta uu fashilka ka raacay Waafoow iyo Kooxdiisa.

Odayaal badan oo kasoo Beesha Biimaal, ayaa caawa kulamo gooni gooni ah leh Nambar Konton, waxaana ay ka wada hadlayaan dhibaatada marba marka ka dambeysa kusoo kordheysa deegaanka oo ay wadaan Waafoow iyo Kooxdiisa.

Kala soco Muurinews.com kulamada kala goon gooniga ah ee Caawa ka socda Nambar konton.

 

Baraawe News Online-Muuri

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Hadalo siyasadeed oo eey is dhaafsadeen General Gaafoow iyo Wasiir waran Cade ee arimaha baasaboorka Soomaaliya

Madaxa Laanta Socdaalka ee Dowlada Soomaaliya ayaa maanta ujawaabay hadal kasoo yeeray wasiirka Arimaha gudaha ee maamulka lamagac baxay Somaliland.

Wasiir waran cadde oo maalmo kahor sheegay in oo ka yaq yaqsado isticmaalida baasboorka Soomaaliga ah ayaa madaxa laanta socdaalka sheegay in aan masuulkaas camal ujawaabi karin taasina ay tahay sharaf dhac nin weyn oo wasiir maamul goboleed kasoo yeeray.

images

Tani ayaa imaaneyso xili wasiir waran cadde oo eey su aal weydisay gabar kashaqeyso VOA inuu wasiir waran cade qudhiisu uu isticmaalo baasaboorka soamaaliga asagana ku jawaabay Acuudi bilaahi mina sheydaani rajiim wuxuu hadalkiisa kusiidaray waligeey maanan isticmaalin aduunkana isagaan ugu necbahay.

hoos ka daawo

Gen Gaafoow oo Shacabka Somaliland Tusiyay Madaxdooda in Qiimo lahayn

Isla dhinaca kale ayaa wasiir waran cadde oo arintaas ka jawaabayo sheeegay in somlailand laga been abuurtay isagoo arintaas ka jawaabayana wuxuu yiri:

hoos ka daawo

Wasiir Waran Cade Oo Ka Jawaabay Warqad La Sheegay Inuu Soomaaliya Udiray

Xaafiiska Wararka

Baraawe News Online- Muqdisho

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Madaxweynaha KGS Oo Xarunta Madaxtooyada Ku Qaabiley Safiir Ku Xigeenka Dowlada UK Ee Somalia

Baaraawe(BNO)- Wefdi Ballaaran oo Hogaaminaayo Safiir ku Xigeenka Dowlada UK Ee Soomaliya Mr. Adrewo ayaa soo Gaarey Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Gudoomiya Barlamaanka KG Soomaaliya Mudane Cabdukaadir Shariif Sheikhuna Maye iyo Qaar ka mid ah Gollaha Wasiiradiisa, Xildhibaano, Maamulka Gobolka ayaa Ku Soo dhaweeyey Xarunta Madaxtooyada KGS.

Waxayna ka wada hadleen Xaalada Siyaasada Soomaaliya, Dowlada UK ayaa waxeeya balan qaaday ineey ka qeyb qaadaneyso Dhismaha Ciidanka Dowlad Goboleedka KG Iyo Dib u dhiska Wadooyinka Magaalada.

Halkan Ka Daawo.

Safiir ku xigeenka Ingiriiska oo gaaray Baydhabo

Xaafiiska Wararka

Baraawe News Online, Baydhabo

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

SULDAANKA GUUD BEELAHA TUNI, LABO TOL IYO TOORE SULDAAN XEYDAR AYAA KA QEYB GALAY

Suldaanka guud ee beelaha TUNNI, Labo tol iyo Toore Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye Dheere ayaa ka qeyb galay Xaflad lagu qabtay Hoolka KMG Shirarka ee Baarlmanka Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka hub ka dhigista dhaqan celinta iyo tababaradda Maleeshiyaadka KGS ahna kusimaha Madaxwayanaha KGS, Xasan Xuseen Maxamed, Wasiirka tirsan KGS, Taliyaha Boliiska AMISOM Mr. Anand Billay, Maamulka Gobolka Bay, Saraakiisha Boliiska Gobolka Bay,Taliyaha Ciidamada Booliska KGS Gen. Ibrahim Macalin Kutub iyo Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baydhabo.

5

Xafladaan oo ujeedkeedu ahaa furitaanka 200 oo askar boolis ah oo loo taba baraayo gobolka Shabeelada Hoose kuwaas oo kamid noqon doono ciidama booliska KG ee loogu tala galay ineey sugaan amaanka Gobolka Shabeelda hoose

Suldaanka guud ee beelaha TUNI, Shangamaas, Labo Tol iyo Toore Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye Dheere oo aan xiriir wareysi ah la yeeelanay ayaa soo dhaweeyay tababarkaan wuxuuna umahad celiyay dhamaan dadkii soo qaban qaabiyay arintaan iyo intii gacan ka geysatayba

Suldaanka ayaa wuxuu la dardaarmay 200 ee booliska cusub ee gobolka shabeelada hoose ineey qeyb weyn ka qaataan soo celinta arimaha nabad gelyada iyo horumarinta Gobolka Shabeeda hoose iyo guud ahaan deegaanada koonfur galbeed

Ugu dambeyntii ayaa suldaanka wuxuu mahad balaaran usoo jeediyay Dowlad goboleedka KG iyo taliyaasha Dowlada Federaaklka iyo kuwa Amisom ee fududeeyay suurta galka tababarkaan cusub ee loo furay 200 booliska Gobolka shabelada hoose

This slideshow requires JavaScript.

Xafiiska wararka Baraawe Online-Baydhabo
Mad kuus

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home