PUNTLAND OO SHEEGTAY INUUSAN DAGAALKA GAALKACYO JOOGSANEYN WAA MAXAY SABABTA?

Cabdi Cosob oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda deegaanada Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Madaxweyne C/weli Gaas uusan xiligaani diyaar u aheyn joojinta Colaada ka taagan Gaalkacyo.

images

Cabdi ayaa tilmaamay in kulan ay wada qaaten iyagoo dhowr Odayaal ah iyo Madaxweyne Gaas si wax looga bedelo xaalada cakiran ee ka taagan Gaalkayo ayuu sheegay in C/wali Gaas ay kala kulmeen erayo muujinaaya rajo beel.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri ”Aniga waxaan qabaa in C/wali Gaas aan lagala tashan Colaada ka taagan Gaalkacyo, maxaa yeelay horay ayuu u qirtay inuusan joojin doonin dhankiisa dagaalka ka dhanka ah Galmudug”

”Inuusan colaada joojin doonin waxa ay hada ka muuqataa habdhaqankiisa. aniga ayaa ka marqaati ah waxaana hadalkaasi ka hor cadeynayaa Odayaasha Puntland iyo Gaas qudhiisa inuu ku hanjabay inuu sii wadi doono dagaalka”

”Wafdiga DFS iyo kuwa Gobolada waxaan fari lahaa inaysan qaldin Galmudug oo ay go’aan cad ka gaaran arrinta taagan, C/wali Gaas waxa uu doonayaa inuu weeraro qaadidoono isaga oo sabab ka dhigan doono in lagu soo duulay”

Cabdi Cosob waxa uu ka digay in Wafdiga DFS Galmudug ay u gacan qabtaan Puntland waxa uuna carabka ku adkeeyay in C/weli Gaas uu damacsan yahay dagaal uu ku carqaladeynaayo xasiloonida ka jirta deegaanada Galmudug.

Dhinaca kale, Cabdi Cosob ayaa Ra’isul wasaare Cumar ugu baaqay inuu dhex dhexaad ka ahaado arrinta ka taagan Gaalkacyo, waxa uuna cadeeyay in dhagihiisa ay kusoo dhacayaan arrimo laga fiican yahay, sida uu hadalka u dhigay.

Warqadonline@gmail.com

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home