Nabadoonada Beesha TUNI oo digniin udiray Munye Ibule iyo Shariif Xasan Sheikh Aden

Nabadoonada Beesha TUNI oo digniin  culus udirtay Munye Ibule iyo Shariif Xasan Sheikh Aden

Munye Said Omar ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu faraha kula jiro arimaha beesha TUNI, Nabadoonada ayaa waxeey ku eedeeyeen inuu dhibaato iyo qas ka dhex wado beesha TUNI ee Daaqtire waxeeyna uga digeen inuu ka waantoobo ka dhex shaqeynta arimaha beesha Daaqrire

Munye waa asharaaf arimo TUNI wax shaqo ah uu ku leeyahay majirto, magaalada Baraawe afar qoys oo asharaaf ah oo lagu soo dhaweyay ayaa degan magaaladuna waa ma gaalo TUNI sida darteed Munye wax sharciyad ah iyo dhaqanba  umalahan inuu TUNI ka dhex shaqeeyo

Sidoo kale Nabadoonada ayaa waxeey uga digeen in shariif xasan oo qabiilka asharaaf ta ah kasoo jeedo inuu wado inuu magaalada baraawe doorasho kasameeyo si uu u boobo una baa bi iyo jiritaanka beesha TUNI

Nabadoonada ayaa waxeey hoosta ka xariiqeen hadii uu shariif xasan isku dayo inuu maamulka hada jira baa bi iyo si uu dadkiisa meesha ugu abuuro wixii cawaaqib ah oo ka yimaado inuu masuuliyadaas qaadan doono isaga

sharif xasan oo eey reer koonfur galbeed qaatiyan ka taagan yihiin ayaa wuxuu qorsheeynayaa inuu 5 magaalooyin oo ka tirsan maamulka KG uu doorashooyin ka hirgashado si uu beeshiisa asharaaf ugu abuuro degmooyinkaas

daawo video digniinta loo diray munye ibule iyo shariif sakiin

 

BARAAWE ONLINE

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home