viewer discretion is advised warning-Meydadka 60 jiro Alshabaab ah oo shalay lagu dilay dagaalkii Afgooye

Shalay  gabal dhicii aya kooxda shabaab weerar xoogan kuqaadeen degmada Afgooye ee gobolka shabeellaha hoose laakiin seey rabeen uma suura gelin oo qasaaro iyo jab ayeey weerarkooda kala kulmeen ciidamada Dowlada ee afgooye ka howl gala

Meydad lasoo bandhigay ayaa lagu sheegay iney ahaayeen saraakiil iyo ciidamo AlShabaab ah, waxaana ay ku dhinteen dagaalkii shalay.

Taliyaha Booliska degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in sedex meydad oo alShabaab ah ay kusoo bandhigeen magaalada.

AlShabaa ayaa wuxuu dagaalkooda ku soo koobmay ku dhufoo ka dhaqaaq lakiin xiliyadaan dambe qasaarooyin iyo jab ayeey kala kulmayeen ciidamada dowlada

Hoos ka daawo meeydadka Alshaab oo ka koonam sedex nin oo  60 jiro ah

Warka Baraawe Online

Afgooye

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Ciidamada dowlad deegaanka Itoobiya oo dilay askar ka tirsan ciidamada Puntland

index.jpg

Arbaco, December, 28, 2016 (Baraawe Online) -Ciidamada maamulka Soomaalida Itoobiya ee Liyuu booliiska ayaa lagu waramayaa in maanta deegaan lagu magacaabo Dundun oo ka tirsan gobolka Mudug, islamarkaana dhanaca xadka Itoobiya iyo Soomaaliya ku dileen saddex askari oo ka tirasan ciidamada deegaankaas, kadib markii ay weerareen barkoontarool.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamo deegaanka ah oo ka carreysan falkan oo is abaabulay dagaal la galeen ciidamada Liyuu booliiska lamana oga khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray inta uu la eg yahay.

Sidoo kale,wararka ayaa tilmaamay in dhacdadan ay ka danbaysay kadib Markii Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Mudug ee Puntland Xassan Abgaalow ay shalay ka dhagax dhigeen Xaafada Xanan ee Deegaanka Dundun- MCH Caafimaad, Ceel Biyood iyo Saldhig Boolis,taasoo ka caraysiisay Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo aan  lagu wargalin..

Ugu Danbaytii,labada dhinaca ee dagaalamay ayaa shawacyadoodii kala geystay degmooyinka Gaalkacyo iyo Bookh ee Soomaaliya iyo itoobiya,inta laga warqabana waa markii ugu horeesay oo dadka deegaanka iyo ciidamada LIYUU Police-ka  iska horimaad ku dhaxmaro deegaannadaas.

Mad Gaab Baraawe Online

Baraaweonline.com
Garowe,Puntland_Soomaaliya

 

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

DAAWO: CIIDAMADA JUBALAND OO DUULAAN KU AH AL-SHABAABKA SUGAN J/HOOSE

Talaado, December, 27, 2016 (Baraawe Online)

Ciidamada xoogga dalka, nabadsugidda iyo daraawiishta Jubaland oo isgarabsanaya ayaa u dhaqaaqay dhanka deegaanada ku yaal galbeedka gobolka Jubada hoose halkaa oo ay ku xoogganyihiin maleeyshiyaadka Al-shabaab.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa ka ambabaxay magaalada Kismaayo, waxaana ay ku wajahanyihiin deegaano hoostaga Kismaayo.

Taliyaha guud ee ciidamada Jubaland Gen. Aadan Goojaar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadu ku wajahanyihiin deegaanada Kaamjaroon, Cabdalla Biroole, Beerxaano, Janaa Cabdalla iyo deegaano kale oo hoostaga.

Taliyaha ayaa xusay in ujeedka duulaanku yahay in ay u gurmadaan qaar kamid ah xoolaleeyda gobolka J/hoose oo mudooyinkii u danbeeyay ay dagaallo kala dhexeeyeen Al-shabaab iyo weliba in Al-shabaab laga xoreeyo deegaanada ay uga suganyihiin gobolka J/hoose.

Ciidamada isku dhafka ah, ayaa la arkayaa maanta ilaa shalay ayaga oo ku qulqulaya dhanka deegaanada galbeed ee gobolka J/hoose, waxaana xusid mudan in sidoo kale Al-shabaab ay ciidamo dheeri ah keentay deegaanada galbeed ee gobolka si ay uga hortagaan weerarka.

Xiisado u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka taagnaa deegaanada ku yaal galbeedka gobolka J/hoose, ayadoo xiisadahan ay ka danbeeyeen kadib markii deegaano hoostaga Kismaayo uu iska horimaad ku dhexmaray Al-shabaab iyo xoolalay deegaanka ah, waxaana dadka xoolalayda ah gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland iyo AMISOM

Hoos ka daawo Video ga

Maxamed Mad Gaab
baraaweonline.com

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Cismaan Cilmi Boqorre oo loo doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee barlamaanka cusub

Talaado, December,  27  2016 (Baraawe Online)

Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay dhaarta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka cusub, waxaana goor dhaw xildhibaannada ay iska dhax doorteen guddoon ku-meel-gaar ah.

Gollaha shacabka ayaa gudoomiye  ku –meel-gaar ah waxaa loo doortay Cismaan Cilmi Boqorro oo ka mid ahaa xildhibaannadii gobollada W/qooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhbaannada aqalka hoose, halka guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah xubnaha aqalka sare loo doortay Max’ed Xusseen Raage oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

index.jpg

Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ayaa halkaa kaga dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeyay labada guddoomiye ku-meel-gaar ee la doortay shir guddoomin doonaan baarlamaanka labada aqal inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibannada in laga cafiyo haddii ay jireen wax qaladaad ah oo ka dhacay mudadii uu soo hayay xilka guddoonka baarlamaanka

Wali waxaa socta khudbadihii munaasabada, hadba wixii warar ah ee ka soo kordha iyo SAWARIDA munaasabada waan idin so gudbin doonaa…

Maxamed Mad Gaab
baraaweonline.com

Baraawe Online

 

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Xildhibaan Idiris Abdi Takhtar oo utartamaya Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya

Muqdisho (Baraawe Online)—Kadib markii maanta Xarunta Dugsiga Tababarada Booliska Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdsho lagu dhaariyay inta badan Xubnaha labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Cusub  ee Soomaaliya ayaa gaba gabada Munaasabadaasi waxaa Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Madasha Munaasabadda Idiris Cabdi Dhaqtar  uga dhawaaqay in uu u taagan yahaya xilka Gudoomiyaha Barlamaanka  Federaalka Golaha Shacabka Soomaaliya

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ah Waayo Arag Siyaasi ah islamarkaana ah Aqoonyan meelo badan oo gudaha dalka ah ka soo shaqeeyay. Goob joogna ku ahaa dalka gudihiisa sifiicana ula socda dhibaatooyinka siyaasadeed, mid dhaqaale, amni ee ka jira gudaha dalka Soomaaliya isagoo 30 kii sano ee u dambeeyay uu ku dhex shaqeynayay gudaha dalka gaar ahaan u siyaabo kala duwan uga soo shaqeeyay  illaa 3000 oo deegaanno Soomaaliyeed oo leh Gobol weliba ee dalka ka tirsan weliba isagoo la shaqeynayo Hay’ado Samafalka  ee kuwa Qaramada Midoobay eey kamid yihiin

Musharax Idiris CabdiCabdi Dhakhtar oo ka hadlayay sababta ku kaliftay In uu ku dhawaaqo Musharaxnimadiisa Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in markii uu arkay daruufaha dalka hareeyay uu doonayo in uu wax uga qabto xilkaas haddii loo doorto Midnimada iyo Cadaaladda Umadda Soomaaliyeed taas oo sida uu ka dhawaajiyay dalka u horseedi doonto Isbedel.

Sidaas daraadeed ayuu ugu baaqay xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyeed in eey  codkooda ku doortaan

Waa Musharrixii ugu horreeyay ee Dowladda Cusub oo ku dhawaaqa Musharraxnimadiisa Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliyeed..

Musharrax Idiris Cabdi Dhagtar oo ka mid ah Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed ayaana dadka wax ka yaqaanno ku tilmaameen in uu yahay shaqsi ku sifoobay u ololeynta baadi goobka midnimada Soomaaliweyn iyadoona haddii ay suuro gasho in uu ku guuleysto shir Guddoonka Baarlamaanka la sheegay in uu wax ka qaban karo la Xisaabtan la’aanta Golaha Fulinta dowladda ee daashatay Baarlamaanadii hore ee dalka soo maray.

Halkan Ka Daawo

Baraawe Online

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Dowlada Soomaaliya oo Safiir cusub u magacawday dalka Yemen- Danjire Abdullahi Hashi Shuriye

Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Yemen, Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo u gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi kadib munaasabad lagu qabtay gelinkii dambe ee shalay Madaxtooyada KMG ah ee Magaalada Cadan .

This slideshow requires JavaScript.

Madaxweynaha Yemen ayaa waxaa uu bogaadiyay xiriirka xoogan ee walaalnimo iyo midka derisnimo ee Yemen kala dhaxeeya Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed , isaga oo tilmaamay in ku dhow 1,200,000 muwaadiniin Soomaali ah ay fursado nololeed iyo mid shaqo ay ka heleen dalkiisa, si wanaagsanna loola dhaqmay

 

 

Madaxweynaha Yemen Abdrabbuh Mansur Hadi ayaa fariin salaan ah u diray walaalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay hoggaanka , Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed in badan oo horumar ah, ammaan, deganaansho iyo in guul ay ku dhammaato doorashooyinka ay Soomaaliya galeyso bilowga sanadka soo aadan ee 2017 , taasi oo uu ku sheegay in ay calaamad u tahay in Soomaaliya ay gashay weji cusub oo nabadgelyo iyo dib u heshiisiin ah. Madaxweynaha Yemen ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo xog isdhaafsiga labada dal si looga hortago argagaxisada isaga kala gooshta soohdinnada badeed , waxaana uu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay garab istaaga Safiirka Soomaaliya si howsha loo igmaday ugu guuleysto.

Dhankiisa, Ambassador Abdullahi Hashi Shuriye ayaa gudbiyay salaan uu ka siday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud , isaga oo cadeeyay in dalkiisa uu isbar bartaagay Xukuumadda iyo Shacabka Yemen, ayna si buuxda u taageereen sharciyadda dastuureed ee Madaxweyne Abdrabbuh Mansur Hadi. Danjire Abdullahi Hashi Shuriye ayaa ballan qaaday inuu xoojinayo xiriirka walaalnimo ee labada dal ka dhaxeeya, taasi oo dan u ah labada shacab ee walaalaha ah.

Dalalka yaman iyo soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyay Xariir wanaagsan oo qota dheer waxa ayna sheegeen Madaxwaynaha yaman iyo safiirka soomaaliya ee yaman qaabilsan in la sii xoojin doono xariirka labada dal.

Maxamed Gaab Muqdisho.

baraaweonline@gmail.com

Baraawe Online

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Ciidamo kawada Tirsan Dowlada oo Xalay ku Dagaalamay Xawaadlay.

Wararka naga soo gaaray Deegaanka Xawaadlay ee Gobalka sh/dhaxe ayaa sheegaya in xalay Halkaasi uu ka dhacay Dagaal Culus oo qasaara dhaliyay.

Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhaw deegaanka Xawaaldlay oo 28 KM ujirta magaalada jowhar kana xigta dhanka Koonfureed.

Sida la xaqeejiyay Dagaalka ayaa udhaxeeyay Ciidamada kawada tirsan Dowlada soomaaliya oo xalay halkaasi isku fara saaray.

CIDAN.jpg

Dhimashada la ogaaday waa laba askari dhaawacuna waa 4 ka mid ah Askarta Dowlada soomaaliya.

Mudooyinkii la soo dhaafay Gobalka shabeellaha dhaxe waxaa ka taagnaa Xiisad udhaxaysay Ciidamadaan Diriray xalay waxaana sidoo kale la xasuustaa in Maalmahaan Xaalada Gobalka ay iska aheed allow sahal.

Maxmed Gaab Muqdisho.

baraweonline@gmail.com

Baraawe Online

 

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Video: Cunto Kariyihii ‘Villa-Somalia’ oo Xildhibaan noqday

Cabdiraxmaan Iidaan Yonis Oo Ahaa Kuuka Ama Kariyaha Villa_Somalia Ayaa Ku Guulasytay Kursiga beesha Sacad Muuse Makaahiil Ee Golaha Baarlamaanka Somalia.

Cabdiraxmaan ayaa ku tartamayay Kursiga Beesha Habar Awal Sacad Muuse-Makahil, wuxuuna ku guuleeystay codad dhan 36 cod.

                  Baraawe Online-Muqdisho

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Askari katirsan ciidamada amaanka ee degmada wada jir oo Ganacsato ku dilay Magaalada Muqdisho

Muqdisho ( Baraawe Online)-Askarigaan oo la sheegay in uu ka tirsan yahay Ciidamada Ammaanka ee degmada Wadajir ayaa Barqanimadii maanta ku dilay degmadaasi 2 qof oo Ganacsato ahaa.

Waxaana dilka uu  u geystay Shacabkaasi xilli uu ku guda jiray Uruurinta Lacago lagu sheegay Canshuuraad oo ay ka biyo diideen Ganacsatada kadibna uu tacshiirad xoogan huwiyay.

dil-shacab1-696x554.jpg

Markii falku dhacay ayaa la xaqiijiyay in Askariga uu isaga baxsaday goobta iyadoo Ciidamo kuwa maamulka degmada Wadajir ka socda goobta ay wax ka dhaceen soo gaareen kuwaas oo baadi goob uga jira Askariga falkaas geystay.

Maamulka Degmada Wadajir oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in ay Saxaafadda u warrami doonaan markii Howlgallada ay dhameystaan.

Xafiiska Wararka Baraawe Online

Muqdisho

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

NISA oo soo bandhigtay shaqsi ay ku sheegeen darawalkii waday gaarigii lagu weeraray dekada Muqdisho

Isniin, December, 26, 2016 (BO) – Hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka ayaa soo bandhigtay shaqsi ay ku sheegeen in uu yahay darawalkii waday gaarigii 11kii bishan lagu weeraray dekada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad xoogsato u badnaa.

Ninkan oo ay muuqaalkiisa ku shaaciyeen bogga ay ku leeyihiin Twitter –ka ayaa magaciisa lagu sheegay Max’ed Ibraahim Xassan oo mudo dheerba ay ku raad joogeen ciidamada nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka.

index

Hay’adda NISA ayaa ku adkeysaneysa in qofkan ay soo qabteen uu ahaa shaqsigii darawalka ka ahaa gaariga, islamarkaana geeyay goobta lagu qarxiyay, iyaga oo intaa ku daray in deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose lagu diyaariyay gaarigan.

Ugu danbeyntii, lama oga sida ninkan uu uga badbaaday qaraxa, waxaase la rumeysan yahay in markii uu geeyay gaariga walxaha qarxa lagu soo raray halkii bartilmaameedku ahaa isaga tagay goobta, kadibna sidaa gaariga lagu qarxiyay.

Horay sidan oo kale ciidamada NISA waxaa ay gacanta ugu dhigeen shaqsigii waday ama darawalka ka ahaa gaarigii lagu qarxiyay suuqa Beerta ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux.

Maxamed Mad Gaab, Baraawe Online
baraawelandpress@hotmail.com

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home