Nabadoonada, Qeybaha bulshada rayidka beesha Tuni daaqtire oo Muqdishu shir ku yeeshay kuna doortay…..

Wariye Mad kuus Aadan 29 Friday 2016-Muqdiho

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlay arimo badan oo eey ka mid yihiin qofka beesha daaqtire xubin uga noqon doono baralaanka federaalka Soomaaliya ee doorashada 2016da

Shirkaan oo la qabtay taariikhdu markeey aheyd 25ta maalinimada isniinta ah  laguna qabtay  guriga xildhibaan/wasiirad ku xigenka wasaarada qoyska iyo xaquuqul insaanka  Avv.Muumina Sheikh Cumar waxaana kasoo qeyb galey siyaasiyiinta, Nabadoonada,Samadoonada, waxgaradka culuma’udiinka haweenka iyo dhalinyarada beesha TUNI daaqtire

Sidoo kale Fadhiga shirkaan waxaa goob joog ka ahaa laguna casumay Suldaanka guud ee beelaha TUNI, Toore iyo Labotol Suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye dheere

kadib markii dood dheer leysla galey waxaa lagu go’aansadey oo leysku raacey oo dhankastaba loo ged gediyey in eey Muumina Sheikh Cumar ku soo noqoto barlamaanka cusub ee 2016ka isla fadhigaasna ayaana  Muumino Sheikh Cumar  lagu magacaabay laguna doortay

Muumino ayaa la timid waxqabad la taaban karo sidoo kale beesha TUNI shangamaas iyo wax garadka beesha daaqtire ayaa waxaa la isku raacay in Muumino eey tahay  qof dadaal badan holkarnimo badan daacad ah oo shaqo hufan, sifiicana isugu xirtay xiriirka beesha guud ahaan iyo beelaha kale, iyadoo si cadaalad ah ugu soo shaqeysay beesha iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan

Muumino Sheekh cumar oo ah marwo  xaas ah waxeeyna leedhay  shan caruur ah waana qof aan waligeed ka dhex bixin dadkeeda iyo deegaankeeda xog ogaalna u ah baahida shacabka iyo tan deegaanka

Muumino oo heerka aqoonteeda ah dhanka sharciga  heysatana shahaadada  sharciga ee bachelor waxeeyna ka baxday kulitada sharciga, waxeey ka soo shaqeysay jaamaca xamar oo eey ka aheyd gudoomiye kuxigeenka jamacada 1999 ilaa 2002 waxeey kaloo xil kasoo qabatay kana mid aheyd garyaqaanada guud ee dowlada iyadoo aheyd xubin kamid ah golaha garyaqaanada dowlada Soomaaliya xiligii madaxweyne shweikh shariif, waxeey lasoo shaqeysay ururka qareenada haweenka soomaaliyeed iyo ururka qareenada Soomaaliyeed.

Waxeey kaloo lasoo shaqeysay arimaha xaquuqul insaanka iyadoo udoodi jirtay haweenka soomaaliyeed ee dhibaatada loo geysta mar walba

Muumino waxeey kaloo noqotay xildhibaan dowlada hada jirta iyadoo isla maarkaasna loo doortay wasiir ku xigeenka wasaarada haweenka ee xaquuqul insaanka

Muumino waxeey ku hadashaa dhoowr luuqadood oo kala ah ingiiska, taliyaaniga iyo Soomaali Maay iyo maxaa tiri iyo afka  baraawe looga hadlo ee af-TUNI iyo chimini

Muumino waxeey degmada baraawe geystay daawooyin iyo sariiro loogu tala galay in lagu caawiyo isbitaalka degmada Baraawe

Muumino Waxeey kaloo shaqooyin kal duwan geeysay oo shaqaale dowlad ka dhigtay dad faro badan oo udhashay deeganka baraawe waxeey kaloo wax barasho  jaamacad ka bixisay ilaa 20 arday oo haatan la filayo ineey qalin jebiyaan sanadkaan

Muumino waxeey kaloo gacan ka geysatay darajooyinka la siiyay askkar badan oo isugu jira boolis iyo maleteri kana soo jeeda deegaanka baraawe

Muumino Sheikh Cumar waa shaqsi dacad ah howl hufan oo dalaal badan isla markaasna si siman ugu shaqeyso shacabka Soomaaliyeed

Magacaabida Muumino Sheikh Cumar waxaa si aad ah usoo dhaweeeyay dhamaan qurbo joogta beesha TUNI iyo kuwa gudaha Soomaaliya kusuganba

Waa guul usoo hooyatay in shacabka deegaanka eey doortaan qof wanagsan oo daacad ah hambalyo hambalyo

Baraawe Online-Muqdisho

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Ciidamo Ethiopian ah oo haween Soomaaliyeed ku dhibaateeyay Buurdhuubo Ee Gobolka Gedo

by wariye mad kuus aadan Tuesday, Apr 19, 2016

itoobiya-620x330

Inta la xaqiijiyay ilaa 7-haween ah ayaa Ciidamada Itoobiya ku xireen degmada  Buurdhuubo ee  Gobolka Gedo halkaaso oo la sheegay in ay isku khilaafeen iyaga iyo Maamulka Degmadaasi kadib markii uu Maamulku bilaabay dib u dhiska Xarun waxbarasho oo haweenku shegeen inay Gacanta ku hayeen,

Marwo Faadumo Daahir oo ka mid ah Haweenka Gobolka Gedo ayaa Warbaahinta u sheegtay inay Haweenku jirdil kala kulmeen Ciidamada Itoobiya isla markaasina uu amar ku bixiyay in la jirdilo oo la xiro Gudoomiyaha degmada  Buurdhuubo ee Gobolka Gedo oo diiday in ay Haweenku sheegtaan Mas’uuliyada iskuulka dhismaha lagu Bilaabay,

Marwo Faadumo Daahir oo si qiiro leh uga hadashay jirdilka iyo xariga loo geyastay Haweenka ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in ay soo fara geliyaan dhibaatooyinka lagu hayo Haweernka Gobolka Gedo oo ay sheegtay in laga hortaagan yahay horumarinta waxbarashada Gobolkaasi,

Ciidamada Itoobiya oo ay la socdaan Ciidamo Soomaali ah ayaa Xabsiga dhigay Haweenkan oo la sheegay in ay sheegteen Mas’uuliyada iskuul la dayactirayay oo ku yaala degmada  Burudhuubo waxaana xusid mudan in Haweenka la jirdilay qarkood Saldhiga degmadaasi laga soo saaray iyaga oo Suuxsan.

Baraawe Online, Dhuurdhuubo

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa 6 Caruur ah Iyo ayeeyadooda Lagu Gubay guri eey Ka Deganaayeen halkaas

by wariye mad kuus aadan Tuesday, Apr 19, 2016

u_119058d_2013-12-19-16-38-17f_hy

Xasan Cumar Macallin oo ah guddomiyaha magaalada Marka ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa isaga oo u waramay Warbaahinta waxa uu sheegay in habeenkii xalay ahaa hoygooda lagu gubay 6 caruur agoon ah iyo sidoo kale ayeeyadood.

Waxa uu tilmaamay guddomiyaha in dadkani ay deganaayeen halka lagu magacaabo Jeebey oo beeraley ah kana tirsan magaalada Marka, isaga oo xusay in gurigii ay ku jireen la dul saaray Bal, islamarkaana dab la qabadsiiyey.

Aano qabiil oo maalmahan ka jirta magaalada Marka ayuu sheegay Guddoomiyaha in falkani ay la xiriirto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waayahan arrin aan lagu aqoon Soomaalida ayaa billowday sida guryo la gubo iyo wax la mid ah, xalay waxaa dhacday meel la yiraahdo Jeebey oo Marka ka tirsan hoy ay deganaayeen 6 caruur ah iyo ayeeyadood ayaa la saaray Bal, kadibna lagu gubay dhammaantoodna waa ay geeriyoodeen, waxaana qiyaaseynaa in arrintan ka dambeeyaan dadka qaab qabiilka isku dagaallaya” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Guuddomiyaha magaalada Marka ayaa sheegay in maamulkiisa aanu waxba ka qaban karin falalka sidaan oo kale ah ee kusoo noqnqoday magaaladaasi.

Dhinaca kale mid ka mid ah ehlada dadkan la dilay oo lasoo xiriiray Goobjoog News ayaa magacyada Carruurta iyo ayeeyadood ku sheegay sidan:-

Ayeeyo: Khadiija Maxamed Somow, 80 jir ah.

Nuur Cabdi Ismaan danow (ina Colneyl uguji) oo Seddax Sano jir ah

Farxiya c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Naciima  C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Axmed c/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Mulki  C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Muzamil C/qaadir Sh.Maxamed Sh.Maxmud Gacal

Baraawe Online, Marko

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gobolka Shabellaha Hoose ayaa 6 Caruur ah Iyo ayeeyadooda Lagu Gubay guri eey ka deganaayeen halkaas

u_119058d_2013-12-19-16-38-17f_hy.jpg

Goormeey Dowlada Soomaaliya iyo tan Ethiopia walaaloobeen, maxaase walaaleeyay?

12963883_1078621162199585_626618909824274114_n

siyaasiyiin Soomaaliyeed oo kasoo jeeda Hawiye, Daarood iyo Digil&Mirifle oo dalka u gacan geliyey Ethiopia

Qaar ka mida siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda beelaha Hawiye Iyo Daarood iyo Digil iyo Mirifle waxeey oo dalka u gacan geliyey Ethiopia waxeey fududeeyeen damicii Ethiopia eey ku liqi laheyd somalia.

Siyaasiyintaan waxeey ku qowlayaan itoobiya walaalo ayaan nahay siyaasiyiintaas waxaa ka mid ah kuwa Hada joogo Oo is mooday hogaamiyaal toosan

waxaa dhici doonto in 2020 wixii ka dambeeya eey Soo bixi doonaan siyaasiyiin sida Abdi ileey ah Oo oran doona aan ku darsano goboladeena dalka ethiopia maadaama soomaaliya eey hagaagi weysay arintaasna cid ka hor imaan doonta ma jiri doonto sababtoo ah ma jirto dowlad Soomaaliyeed Oo unity ku dhisan awoodna u leh ineey madax banaanida somalia difaacdo

siyaasiyiin badan waxeey u dhiman doonaan ciil ama dilal qorsheysan sidaa darted siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee hada jira waxeey iska indho tirayaan sida hada eey Ethiopia u qaadatay ama uliqday kilinka 5aad Oo halgankii ogadenya ku Soo afjartay si cajiib ah ayeey gobolada kale ee soomaaliyeed Ethiopia u qaadaneysaa iskamana dhicin karayaan hadii eey dhacdo shacab kacdoomana Waa la leeynayaa mar marsiiyana looga dhiganayaa Waa alshabaab waxaana shacabkaas kacdoonsan leyn doona ciidamo soomaali ah

hadaba hadii somalinimo midnimo Iyo madaxbanaani la doonayo hogaanka dalka Somaliya hala wareegeen siyaasiyiin kasoo jeeda bulshada  kale ee Soomaaliyeed maadaama  dadka hada hogaanka haya eey soomaaliya soo hogaaminayeen mudo 60 sano ah wax natiijo lataaban karana eeysan keenin aan ka aheyn bur bur iyo kala tag

warkaan meeshaan ku qoran Waa xaqiiqo

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Maxaa ka soo kordhay shirka Madasha wadatashiga ee looga hadlayo qaabka doorasho ?

by wariye maxamed mad kuus Monday, Apr 11, 2016

Shariifka-170x114.jpg

Shirka Madasha wada tashiga qaran ee hogaamiyeyaasha uga socday magaalada Muqdisho, kaasoo galay maalintiisa labaad ayaa maanta dib u dhac ku yimid in la soo gaba gabeeyo, kadib markii gelinkii hore maanta aanu dhicin kulamo.

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya in la filayo in maalinta berri la soo gaba gabeyn doono, lagana soo saari doono war murtiyeed, hase ahaatee sababihii aanu maanta kulamadii la filayay u qabsoomin ayaa lagu tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh dastuuriyan uu furayay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka oo haatan afar bil u harsan.

Wararka ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in Hogaamiyeyaasha dowladda Dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada ay caawa illaa berri gelinka hore ay sii ambaqaadi doonaan kulamadooda, inkastoo ay muuqato kala aragti duwanaan.

Shirkan ayaa waxaa hor-yaala saddex ajande oo kala ah dhaqan gelinta qaabka doorashada u dhici doonto iyo qaababka loo soo xuli doono labada aqal ee Baarlamaanka, arrimaha dastuurka qabyada iyo ammaanka qaranka, saddexdan qodobo ayaa ah kuwo aad uga doodayeen Madaxdu.

Marka laga hadlayo qodobka dhaqan gelinta qaabka doorasho ayaa ah mid ay ku kala aragti duwan yihiin Madaxda, waxaana la ogeyn sida la isugu raaci doono qaabka loo soo xulayo Baarlamaanka soo socoda, caqabada ugu weyn ee jirtana ayaa ah in Xildhibaanada cusub ay soo xulayaan odayaasha iyo inay talo ku yeelan doonaan Madaxda ama waxaa jiri doonaa cid soo dooraneysa.

Arrimaha la hadal haayo ayaa ah in 50 xubnood ay soo xuli doonaan Xildhibaan walba, kadibna Madaxda ay meel mariyaan.

Sidoo kale arrinta kale ee meesha ku jirta ayaa ah heshiiskii Garowe ee u muuqda mid Puntland awood gaar ah uu siinayay doorashada, waxaana jirta in maamulada kale ay saluugsan yihiin heshiiskaas, isla markaana ay doonayaan inay iyagana ay yeeshaan awood la mid ah tan Puntland

Lama oga sida ay Madaxda Soomaalida isugu raaci doonaan qodobadan, waxaase wax lala yaabo noqon doonin hadii lagu heshiin waayo qodobada qaar, maadaama horay u dhacday inta qodobo lagu heshiin waayay inay hadana soo fara geliyaan Xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasoo aakhirkii suura geliya in la gaaro go’aan kama dambeys ah.

Baraawe Online, Muqdisho

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Inkabadan 200 boql oo qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ayaa gar gaar loogu qeybiyaya degmada Baraawe

12923268_1076211645773870_7530778881584434675_n.jpg

Deeq raashin ah uu kasoo aruurshay xildhibaan Ibraahim Cali Cumar Sheegoow ayaa waxaa maanta si toos ah loogu qeybiyey dadkii abraaha kasoo barakacay ee kusugnaa degmada Baraawe

Qooysaska deeqdaan raashinka ah la gaarsiiyay ayaa waxey ahaayeen ilaa 200 oo qooys deeqdaan oo isugu jirtay raashinka qeybihiisa kaladuwan ayaa waxaa halkaas ku qeybiyay gudoomiyha deg baraawe xuseen bare maxamed oo eey wehliyaan odayaasha, nabadoonaa iyo gudiga abaaraha degmada Baraawe

Xildhibaan  ibraahim cali cumar sheegoow ayaa wuxuu jaaliyadaha reer baraawe eekunool daafaha aduunka ugu baaqayaa ineey xil iska saaraan soona taakuleeyaan walaalahooda macluusha soo ridatay

Xildhibaanka ayaa wuxuu u mahad celieyey dhamaan dadkii xilka iska saaray ee soo diray qarashaadka lagu gaday raashinkii loo qeybshay qooysaska ku sugnaa magaalada baraawe

Ugu dambeybtii ayaa qooysaskii raashinka loo qeybiyey waxeey u mahad celiyeen xildhibaanka iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatay deeqdaan raashinka ah waxeeyna alle uga baryeen inuu ka baal mariyo

Hoos ka daawo video ga

Inkabadan 200 boql oo qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ayaa gar gaar loogu qeybiyaya degmada Baraawe

Wariye mad kuusoow eedan

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Xildhibaan Afarale Oo Puntland Ku Eedeeyay Dhibaateynta Dadka Kasoo Jeeda KGS Ee Ku Nool Deegaannadooda

By wariye Maxamed mad kuus Talaado 5 2016

afaraale-23

Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah xildhibaanada dowladda Federaalka oo wareysi gaar ah siiyay IdaleNews.com ayaa Maamulka Puntland ku eedeeyay iney raalli ka yihiin dadka rayidka ah ee lagu waxyeeleynayo deegaanadooda.

Xildhibaanka ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay tacsi uu u diray dadka naftooda iyo hantidooda ku waayay ee lagu waxyeeleeyay gudaha Puntland kana soo jeeday gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in bishan Afaraad labadeeda laga soo bilaabo illaa iyo hadda uu jiro banaanbaxyo ka dhacaya; Qardho, Buursaalax, Goldogob, Burtinle, Bacaadweyn, oo la leeyahay dadka koonfurta kasoo jeeda ha ka baxaan deegaanada Puntland iyagaa shabaab ah, loona qabtay muddo 24 saac ah, oo markii ay dhamaatay loo geystay boob, dhac, dil, Kufsi, waxaanuu sheegay inuu aad uga xunyahay.

Waxaan rabaa, ayuu yiri, maamul goboleed Puntland inuu ku sifoobo waxa uu isagu sheeganayo, marka la iskugu yimaaddo shirarka ama idaacadaha laga hadlayo, waxay yiraahdaan waxaan nahay dad Soomaalida jecel, dad federaalka Jecel, marka nin mujrim ah dambi uu geystay, dad masaakiin ah oo kugu agnoolaa sanado hanti ku lahaa aad haybtiisa u raacayso sow wax xun maaha.

Xildhibaanka ayaa tusaale u soo qaatay Fu’aad Shangole oo ka soo jeeda sida uu sheegay Puntland, isla markaana dhibaato xooggan ka geystay gobolada shabeelada hoose iyo Baay iyo Bakool, dhibaatadii uu geystay aan loo raacan dadka reer Puntland ee ku nool Koonfurta Soomaaliya, waana sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu baaq u soo jeediyay dowladda Soomaaliya, “Dowladda Soomaaliyeed Ra’iisul wasaaraha iyo wasiirada jooga Puntland oo shacabkii hoostooda lagu gumaadayo, waxaan u jeedinayaa in arrintaa ay tillaabo adag ka qaadaan”.

Waxa uu u mahadceliyay Cabdikariim Xuseen Guuleed madaxweynaha Galmudug, oo uu yiri si wadaniyad leh ayuu uga qiirooday dhibaatada shacabka Koonfureed loo geysanayo, waanuu ka hadlay ayuu yiri oo Puntlandna u caqli celiyay.

Shacabka Koonfureed ee ku dhaqan Puntland ayuu ugu baaqay, mar haddii meeshii ay walaalnimada u tageen lagu dhibaateynayo iney iskaga soo baxaan, oo u soo guuraan Galmudug, iyo gobollada kale ee ugu dhaw, si ay naftooda iyo hantidooda u badbaadiyaan.

Xildhibaanka ayaa waxa uu yiri, waan ka hadlaynaa marka shacabka aan matalno la dhibaateeyo, dadka reer Puntland ee Koonfurta jooga waxaa ku ilaalinnaa Soomaalinimo, maamulka ay ku jiraan ayay nagula nool yihiin, sidaan kuwooda u soo dhaweynayno ayaan rajeynayaa iney iyaguna kuweenna u soo dhaweeyaan.

Xildhibaanka ayaa yiri, “Xamar haddii shacabku kaco oo dad isir loo raaco sow dowladdii ma joogto, gobolkii sow ma joogo, degmadii sow ma joogto, dowladdii dhexe sow ma joogto, haddii ay ka fiirsato oo ay shacabka ka celin weydo, oo shacabkii la dhaco oo la dilo, sow iyagu raalli kama aha, ciidan hub qaatay oo dadka laayay la iima sheegay, laakiin wax u eg iney raalli ka yihiin ayaa meesha ka dhacay, mudaharaadka iney ka hortagaan ayay ahayd oo yiraahdaan Soomaali waa Soomaali”.

In dambiilaha la soo qabto waa ogolnahay, in maxkamad la soo taago oo la xukumo waan ogolahay, laakiin in dadka rayidka ah la dhibaateeyo ma ogolaaneyno, ayuu yiri.

Xildhibaan Afaraale waxa uu hay’adaha xuquuq-insaanka u dooda ugu baaqay iney arrinkaas baaraan oo ay booqdaan xabsiyada Puntland dadka ku xiranna soo fiiriyaan xaaladooda iyo waxa lagu xiray.

Ugu dambeyn, qarax Khamiistii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo duulaankii dhawaan ciidamada Al-shabaab ay ku qaadeen deegaanno ka tirsan Puntland ayaa ah arrimo badan oo isbiirsaday isla markaana dhaliyay in dad rayid ah oo ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya la dhibaateeyo iyadoo lagu eedeynayo Al-shabaabnimo.

Baraawe Online, Xafiiska Warqabadka Baydhabo

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Madaxweynaha KGS Oo Ka Hadley Tacadiyada Puntland Ugu Geysanayso Shacabka KGS ee kusugan Puntland

By wariye Maxamed mad kuus Talaado 5 2016

index.jpg

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Markii ugu horeysey Ka Hadley Tacadiyada Maamulka Puntland ugu geysnaya Bulshadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ka soojeeda Ee ku Dhaqan Degaanada Maamulkaas.

Halkaan ka daawo

Madaxweynaha KGS Oo Ka Hadley Tacadiyada Puntland Ugu Geysanayso Shacabka KGS ee kusugan Puntland

Baraawe Online-Baydhabo

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home