Gen Gebra oo laga mamnuucay in Shirka Soomaalida ee TURKIGA uu ka qeyb galo

gabre-1-310x210

Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha Dibadda Turkiga oo soo gaaray Safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa lagu mamnuucay in Gen. Gebra la siiyo Fiiso uu ku galo dalka Turkiga.

Xogtaani oo aan la wadaagnay Saraakiil ka howlgasha Safaarada ayaa sheegay in sababta ay tahay in Dowlada Turkiga ay Gen. Gebra u aqoonsatay shar wade ay ka degi la’ dahay Somalia, waxa ayna goor sii horeysay sidoo kale uga mamnuucday Shirkii lagu heshiisiinaayay DF iyo Maamulka Somaliland.

Dowlada Turkiga ayaa ka qeybgalka shirkaasi u ogolaatay kaliya wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, waxa ayna sidoo kale diidmo ka muujisay in Mas’uuliyiinta Somalia ku jooga magaca AMISOM aysan wehlin doonin wafdiga shirka lagu marti galiyay.

Dowlada Turkiga ayaan xiriir wanaagsan la laheyn Dowlada Ethiopia, waxa ayna dhowr jeer sheegtay in qaska ka taagan Somalia ay u sabab tahay Dowlada Ethiopia.

Gen. Gebra ayaa kaalin ka qaatay qaska Somalia, waxa uuna Somalia cagta soo galshay xiligii Maxaakiimta waxa uuna ilaa iyo hadda ku howlan yahay ka shaqeynta Somalia oo aan dhaafin halka ay hadda joogto.

Xigasho

ShabakadaAllpuntland24.com
Xafiiska Wararka Muqdisho
Email : Allpuntladis@gmail.com

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Madaxweynaha KGS iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo Oo Gaarey Magaalada Istanbul Ee Dalka Turkiga

Shariif-Xasan-Sheekh-Aadan

Istanbul(BO) — Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Sharif Xasan Sheekh Aadan iyo Wefdi Uu Hogaaminaayo ayaa Maanta Gaarey Magaalada Istabul Ee dalka Turkiga, isagoo, halkaasoo maalinta Beri ka furmaayo shir ay isugu imanayaan madaxda dalka iyo Wakiilo ka socoda Beesha Caalamka.

Shirkan oo  heer sarre ah oo looga hadlayo arrimaha siyaasada & amaanka Soomaaliya ayaa berri oo Talaado ah ka furmi doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo ay ka qeybgali doonaan inta badan Madaxda dawladdaha Soomaaliya & Wakiilada Beesha Caalamka.

Dawladdaha lacagtooda ku bixiya mashaariicda Soomaaliya ayaa sidaas oo kale madasha tagi doona, waxaana maalinta hore laga hadli doonaan horumarka dhinaca Kabayaasha dhaqaalaha & sida looga faa’iideystay mashaariicda New deal-ka, iyadoo maalinta ugu dambeysa looga hadli doono arrimaha ku saleysan dhinaca Siyaasada iyo Amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud & Dhigiisa dalkaas Turkiga ayaa si wada jir ah u furi doona shirkan, waxaana uu noqonayaa kii ugu dambeeyey ee dhexmara dawladda Soomaaliyada ee hadda jirta iyo Wakiilada Beesha Caalamka oo heerkan oo kale ah.

Ugu damebyntii, Shirkan ayaa lixdii biloodba mar la qabtaa, waxaana hadda uu ku soo beegmay xili xasaasi ah oo Beesha Caalamka & Dawladda Faderaalku ay isku raaceen nooca doorasho ee ka dhacaysa Soomaaliya, inkastoo ay diiday Puntland.

Baraawe Online, Istanbul, Turkiye

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gudoomiyaha Degaanka Yeed Ee Gobolka Bakool Oo Sheegey In Degaankaasi Uusan Ka Tirsaneyn Bakool Sare

koonfur

Yeed(BO)- Gudoomiyaha Degaanka Yeed Ee Gobolka Bakool Cali Yare C/laahi ayaa Sheegey In Degaankaasi Uusan Ka Tirsaneyn Maamulka Bakool Sare oo dhawaan looga dhawaaqey Degmada Ceelberde.

Gudoomiyaha ayaa sheegey in dad fidno wadiyaal ah oo uu sheegey in laga soo gamey Magaalada Muqdisho ay sameeyeen Maamulkkaas, isla markaana waxa uu ku hanjabey inay banaantahay duminta Maamulkaas, isagoona Taageerey Hanaanka Siyaasada iyo Geeda Socodka Nabadda Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wariye: Mohamed Maskuus

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Gaaska Puntland ayaa la sheegay inuu ka baaqan rabo Shirka Istanbul, isagoo Ku Wajahan Washington

gaas11111

Garowe(BO)— Warar soo baxayay 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uu ku sii jeedo magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka, halkaasoo uu 20-kii sano ee u dambeeyay ku noolaa, Macalina ka ahaa Jaamacad ku taal.

Madaxweyne Gaas oo hada ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa uu halkaas kulamo kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo kulamadii uu la yeeshay Mas’uuliyiinta Itoobiya lagu arkay isagoo miiska u saaran Calanka Puntland, una muuqday sidii dowlad madax banaan oo kale.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa sheegaya in aysan macquul aheyn xilligan in Madaxweyne C/wali Gaas uu ka qeyb galo shirka Istanbul ee looga hadlayo aayaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka ee bisha Agosto dalka ka dhacaya.

Madaxweynaha Puntland ayaa horay u qaadacay go’aankii bishii Janaayo laga soo saaray shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacay ee lagu go’aamiyay nooca doorasho ee dalka ka dhacaya, isagoo cadeeyay in Puntland aanay u cuntameyn nooca doorasho ee lagu soo xulayo Baarlamaanka soo socda nidaamka 4.5

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo Puntland ku cadeyneyso in aanay ka qeyb galeyn shirka Istanbul, ayaa hadana hadal heynta ugu badan ay tahay in Madaxweynaha Puntland uu ku wajahan yahay Washington.

Shirka Istanbul ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo hanaanka doorashooyinka sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada, qeybaha bulshada iyo Madax ka socota Beesha Caalamka, iyadoo shirkaas lagu saxiixi doono go’aanadii ka soo baxay Shirkii Madasha Wadatashiga qaran.

Dhowaan ayay aheyd markii Wafdi ka socday Beesha Caalamka oo Garowe u tagay sidii Puntland ugu soo qancin lahaayeen hanaanka doorasho ee dalka ka dhacaya sanadkan 2016, waxaana kulamadaas ay noqdeen kuwo natiijo la’aan ku dhamaaday.

Baraawe Online

Muqdisho

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Shir looga hadlayo Ganacsiga Turkiga & Somalia ka dhexeeya oo ka dhacaya Magaalada Istanbuul

2016222635917041742383834istanbul660.jpg

Isniin, Febraayo 22, 2016 (HOL)-Shir looga hadlayo arimaha ganacsiga ee Turkigu la leeyahay Soomaaliya ayaa ka furmaya maanta magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.

Masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliyaa ayaa shirkaa ka qeybgalaya iyo weliba masuuliyiin ka tirsan dawlada dalkaasi Turkiga. Waxaa looga hadli doonaa shirkaa maalgaashiga Soomaaliya.

Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in masuuliyiin ka socda maamul goboleedyada Soomaaliya ay iyaguna ka soo qeyb gali doonaan shirkaa.

Shirka oo guud ahaan ku saabsan sidii loo dar dar galin lahaa ganacsiga ka dhexeeya labada dal ayaa ajendeyaashiisa waxaa ka mid ah qeybta quwada korontada, kalluumeysiga, dhismaha guryaha iyo jidadka iyo weliba bangiyada.

Soomaalida wafuuda shirka uga qeyb galaya ayaa lagu wadaa inay sharraxaan fursadaha ganacsi ee dalka Soomaaliya iminka ka jira oo labada dal ay ka wada shaqeyn karaan ayagoo codsan doona in Turkigu usoo dirsado maalgashadeyaal badan Soomaaliya si qeybaha kala gadisan ee ganacsiga gudaha Soomaaliya ah ay u maal gashadaan.

Waxaa la filayaa inay carrabka ku adkeyn doonaan in Soomaaliya uu yahay dal leh kheyraad fara badan oo dabiici ah isla markaana looga faaiideysan karo in la soo saaro oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiguba dadyowgooda ay uga faaiideyn karaan.

Waxaa la filayaa in markii shirku soo gabagaboobo ay ka soo baxaan natiijooyin wax gal u ah labada dal iyo dadkoodaba.

Wariye: Mohamed Madkuus-Istanbul, Turkey
Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

RW Soomaaliya oo HOL u sheegay inuu Jawaab ka bixinayo Xanibaadii Garoonka Jomo Kenyatta

 

2016222635917327083825180Wareysi_HOL_uu_Siiyay_RW_Somalia (1).jpg

Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga uga Qayb-galaya kulan looga hadlayo Xiriirka Ganacsi ee Somalia iyo Turkiga ka dhexeeya; ayaa uga Warramay HOL xayiraaddii maalin ka hor loogu geystay isaga iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Wareysiga uu RW Sharma’arke siiyay HOL, ayuu ku sheegay in muddo saacado ah uu ku jiray Garoonka Jomo Kenyatta, isagoo intaas ku daray inuu Tallaabo uu kaga Sal-gaarayo sababta uu garoonka Nairobi loo xannibay.

Sida Warbaahintu ay u qortay warbixinta arrintan ku saabsan oo ahayd in isaga uu ka mid ahaa Xubnaha la Xannibay ay tahay mid been-abuur ah, Waxaanan kala hadlay Saraakiisha Garoonka Jomo Kenyatta in Xildhibaannada la sii daayo oo ay galaan Nairobi, inakstoo ay Dowladda Kenya aniga igu qancisay in marka hore aan ka baxo garaoonka, kaddibna ay sii deyn doonaan xubnaha wafdiga intooda kale,” ayuu RW Somalia u sheegay HOL.

Isagoo sii hadlaya ayuu Ra’iisul wasaare Sharmar’akre sheegay inay xukuumadda Kenya in ay uga baxday in xildhibaannadii iyo xubnihii kale ee garoonka ku jiray ay ay kasoo saarto, kuwaasoo ku jiray garoonka maalintii iyo habeenkii xigay, taasoo uu ku Tilmaamay mid ka baxasan xeerarka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan, uuna tallaabo cad oo ka dhan ah falkaas qaadi doono.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi lagu xannibay muddo saacado ah wafdiga RW Somalia oo isugu jiray xildhibaanno,wasiiro iyo ganacsato dhamaantood kusii jeeday magaalada istanbuul ee Dalka Turkiga oo ay kaga Qayb-galayaan shirka horumarinta Somalia oo Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada istanbuul.

Dhanka kale, Xukuumaddda Kenya ayaa ku andacootay dhankeeda in Diyaaraddii Wafdiga uu hoggaaminayay RW Somalia sidday aysan soo marin Degmada Wajeer-Kenya ayna uga shakiyeen arrimo la xariira Ammaanka, laakiin RW Sharma’arke ayaa sheegay inaysan soo marin diyaaradaha Mas’uuliyiinta Soomaalida sida Garoonka Degmada Wajeer, maadaama ay yihiin Mas’uuliyiin Dowladeed.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ahaa Wafdigaas oo HOL ay kula kulantay goobta uu shirka ka furmay ee Magaalada Istanbuul ayaa isna u sheegay HOL in si aan anshax ahayn loola dhaqmay, taasna jawaabteedalaga doonayo xukuumada Somalia, ayna daba-gal ku sameyso; isagoo intaa raaciyay Hadalkiisa in muddo ka badan 20-saac ay ku xanibnaayeen Garoonka Joma Kenyatta gudihiisa.

Waxay HOL Xildhibaanka Weydiisay Qaabka Baasaboorrada looga Qaatay, Wuxuuna ku jawaabay; In markii hore la siiyay Dal-ku-galka ama Fiisadaha Dalka Kenya, balse markii ay dibadda uga baxeen Garoonka Magaalada Nairobi laga daba-yimid oo baasabooradoodii laga ururiyay; dabeedna lagu xayiray Gudaha Garoonka Jomo Kenyatta.

Xukuumadda Somalia, ayaa iyaduna Qoraal ay soo saartay Galabta oo Isniin ah, waxay ku Sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabo ka qaadanayso falkii Xayiraadda ahaa ee Kenya ay lagula kacay RW Somalia iyo Wafidigiisii.

Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu Horreysay oo Kenya ay sidaan oo kale ula Dhaqanto Dublamaasiyiinta Soomaaliyeed oo sii mara dalkaas ama ku sugan Gudaha Kenya.

Xigasho: Wareysigan Waxaa Qaaday Wariyaha HOL – Ibraahim Cumar Baafo oo Turkiga ku sugan.

Ibrahim Baafo
E-mail: Baafo@hiiraan.com
Magaalada Istanbul, Turkiga

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Itoobiya ee AMISOM iyo Al-shabaab oo ka socda Gobolka Shabeellaha Hoose

2016222635917296124831935Ciidamada_Itoobiya_ee_AMISOM_Somalia_660.jpg

Isniin, Feberaayo 22, 2016 (Baraawe Online) 
Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Leego oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararka laga helayo Deegaanka Leego ayaa sheegaya in la Maqlayo hub kala duwan oo ay dhinacyada Hardamaya ay isku adeegsanayaan, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.
Ujeedada dagaalkaan ayaa ah in kooxda Alshabaab dhamaanteeda si buuxda looga xoreeyo meelaha iyo tuulooyinka eey ka joogaan Gobolka Shabeelaha Hoose
Taliska Guud ee AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalka Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Somalia ka Hawlgala iyo Al-shabaab, Waxaana deegaankaan ay horay ugu dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab iyo AMISOM.
Wixii Warar ah ee kasoo kordha Dagaalkan u dhexeeya Ciidanka AMISOM ee ka Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, waxaad kula socon doontaan wararka Baraawe Online ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Mohamed Madkuus-Baraawe Online
baraawelandpress@hotmail.com
By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka Qeybgalay Barnaamij Loogu Magacdaray Daah-furnaanta – Video

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Maxamuud, ayaa maanta oo Sabti ah ka qeybgaley munaasabad ay soo agaasintey Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya ay ku soo bandhigtey Barnaamijka Daah-furnaanta (Transparency) Dowladda. Munaasabadda ayaa ka dhacdey Hotel SYL

Barnaamijkan ayaa la sheegay in hadafkiisu yahay diyaarinta macluumaadka guud ee dowladda, meel marinta sharciyo, xeerar iyo habab keeni kara in Xukuumaddu xilkasnimo muujiso, shacabkana laga qeybgeliyo ka tala bixinta arrimaha qaranka.

5-1

Ugu horeyntii waxaa munaasabadda ka hadley Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim fargeeti, waxaana uu ka sheekeeyey waxa uu yahay Barnaamijka Daah-furnaanta. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheeggay, muhimadda barnaamijkan daahfurnaanta u leeyahay ay tahay in waddanku noqdo kan ugu horreeya qaaradda Afrika, dhanka hufnaanta marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in hufnaanta iyo daahfurnaanta ay qeyb ka yihiin dowlad wanaagga ay Soomaaliya hiigsaneyso.
Hufnaanta iyo daahfurnaanta dowladda waa qeyb ka mid ah dhowrista ammaanada, waana sida ay diinta islaamka ina fareyso. Sameynta macluumaadka guud ee dowladda waa mid horseedeysa xog-ogaalnimada muwaadiniinta, hufnaanta maaliyadeed iyo inaan caalamka tusno hadafka aan leenahay inuu yahay sameynta nidaam adag oo isla xisaabtan ku saleysan….”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku faaney in Soomaaliya daah-furnaanta ay la timid aysan la imaan dalal badan oo caalamka kamid ah kuwaas oo aan dagaalo sokeeye ka dhicin bur-burna aanu ka dhicin, wuxuu sheegay in maanta waxkasta ay tar-tan yihiin.

Ka qayb-galayaashii barnaamijka ayaa su’aalo toos ah weydiiyey Madaxweyne Xasan Shiikh.

Canshuurta Qaadka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in qorshahooda ay ku jirto in ay kor u qaadaan canshuurta laga qaado qaadka si uu qaali u noqdo oo dadku uga haraan, laakiin wuxuu wel-wel ka muujiyey sida qaadku uu amaan xumada qayb uga yahay haddii la waayo.

Madaxweynaha oo ka jawaabayey qaar ka mid ah su’aalaha , ayaa sheegay in shacabka iyo dowladda loo baahan yahay inay ka wada shaqeeyaan sidii sharciga loo dhowri lahaa, haddii taasi la helana ay hubaal tahay in geeddi-socodka dib u dhiska Soomaaliya uu guuleysanayo.

Aqalka Sare

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka jawaabey maqaabka Gobolka Banaadir, oo la aaminsan yahay aqalka sare in laga reebay haddii Dowlad goboleedyo lagu soo xulo Xildhibaanada Aqalka sare waxaana uu yiri:

Banaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, goboladuna waa isku xuquuq, laakiin waa caasimaddii Dalka, maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa aad iyo aad uga dad badan dadka ku nool caasimadda, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan….” ayuu yiri Xasan Shiikh.

Dowladda Xasan Shiikh ayaa gaartey go’aan ah in aqalka hoose lagu soo xulo nidaamkiii beelaha halka aqalka sare lagu soo xulayo maamul goboleed taas oo gobolka Banaadir ka reebi karta in uu xubno ku yeesho aqalka sare.

Dalka Soomaaliya ayaa saddexdii sano ee u danbeysey ahaa horyaalka muqu-maasuqa adduunka, waxaana uu kaalinta u danbeysa ka hoggaamiyey warbixino ay soo saareen hay’adaha reer Galbeedka, lama oga barnaamijyada caynkan ah iyo tababaradu waxa ay ka bedeli doonaan.

Hoos ka daawo

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Max’uud ayaa oo ka qeyb galay barnaamijka daah furka

Baraawe Online-Muqdisho

 

 

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Muran xoogan ayaa weli kataagan safiiro xil kaqaadis lagu sameynayo iyo kuwo kaloo lasoo magacaabayo

Muran lixaad leh ayaa waxa uu wali ka taagan yahay magacaabista iyo xil ka qaadista Safiirada qaar kuwa Muranka ka taaganyahay waxaa ka mid ah
Safiirka Kuwait u fadhiya Somalia , Kan Kenya u fadhiya Somalia, kan Brusell ufadhiya Somalia iyo Qunsulka Dowlada u qaabilsan Safaarada Turkiga iyo Masuuliyiin badan oo aan halkaani lagu soo koobi karin

index

Madaxweyne Xasan oo dib ugu laabtay liistada ay ku saxiixan yihiin Xubnaha la magacaabi lahaa iyo kuwa la bedeli lahaa ayaa codsaday in dib loo dhigo iyadoo Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka arimaha dibada Cabdisalaan Hadliye eey soo diyaariyeen liiska

Baraawe Online

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home

Deegaameysi, Boob iyo Barakicin Cusub Oo Ka Socoto Gobolka Shabeelaha Hoose iyo Dad Xoog Loo Sheegtey

Afgooye(BO)- Qaar ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Afgooye oo loo adeeg saday ciidamada Dowladda Federalka Soomaaliya oo qaab beeleed u abaabulan ayaa waxey u awood sheegteen shacab beeraleyda ah ee ku dhaqan tuulada idimow.

Maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed isla markaasna wata dareeska tuutaha iyo gawaarida tiknikada ee ciidamada malateriga Dowlada Federaalka soomaaliya

ayaa ku dhaqaaqay fal aad u foolxun  ciidamo beeleedkan ayaa cagaf cagafyo marsiiyay guryaha ay deganaayeen iyo Beerihii ay tacban jireen dadka deegaankaas sidoo kale waxey bur buriyeen ceelal ugu yaalay beeraha islamrkaana ay rarteen matooradii ay ku waraabsan jireen beerta iyo mid ceelka .

Shacabkan masaakiinta ah  ayaa sheegay ineey kasoo carareen goobihii ay degenaayeen  islamrkaana ay soo gaareen Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose oo ah halka laga maamulo waxaana ay dowladda Faderaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si deg deg ah ay usoo diraan ciidamada saxda ah ee dowlada maadaama kuwaanu eey yihiin maleeshiyo beeleedyo meesha xoog ku heysta

Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar halka familka qaar ay weli kala maqan yihiin ayaa si wanaagsan loogu soo dhoweeyey degmada Afgooye, maamulka degmada Afgooye tan Degmada Ayuu wax ka qaban la’ayahay ma tan idimow ayuu wax ka qaban karaa, waxaa la filaya in saacadaha soo socda ay jawaab ka bixiso dowladda Somaliya.

Shacabkan masaakiinta ma qabataa in beerahooda iyo guryahooda ay xoog ku qabsadaan ciidamo beeleed u abaabulan qaab beeleed, oo dhoor iyo labaatankii sano lasoo dhaafay ayagoo qaab beel isugu dayay in ay beerahaasi la wareegaan awoodi waayay ay maanta ayagoo adeegsanayo magaca dowlada raba inay ku wareegaan, taasi waxaa masuuliyadeeda dusha u dhigan doono  Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan.

Ugu dambeyntii, Dowlada Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya weli Jawaab kama aysan Bixin dhacdan isla markaana waxa kororey Dhibaateynta Shacabka Gobolka Shabellaha Hoose

Halkaan ka daawo Video ga

Dhibaatada Lagu Hayo Shacabka Ku Dhaqan Degmada Afgooye

Baraawe Online, Afgooye

By Wararka Maanta Soomaaliya Posted in Home