Itoobiya oo cadeysay mowqifkeeda ku aadan Maamul u sameynta Jubaland State

Dowladda Ethiopia ayaa sheegtay in looga dambeeyo Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dina Mufti Afhayeenka dalka Ethiopia oo la hadlayay V.O.A da ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya aysan la jirin dhinac gaar ah oo ku aadan Maamullada dhawaan looga dhawaaqay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Afhayeenka oo baaqiisa sii wata ayaa tilmaamay In loo baahanyahay kaliya in dowladda Soomaaliya lagu gacansiiyo ee iyadu ay go’aan ka gaarto Maamul U sameynta Gobollada Jubbooyinka.

Dhanka kale Dina Mufti Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada Ethiopia ee Jooga Soomaaliya ay kaalin wacan ka qaadanayaan Nabad ku soo dabaaalidda dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn ayaa Afhayeenku waxa uu shaaca ka qaaday in dowladda Ethiopia ay taageero fiican u heyso Dowladda Soomaaliya.Image