WARARKA MAANTA AXAD 30 AUGUST 2015-MUQDISHU

XALADII UGU DAMBEYSAY EE MOOSHINKA IYO MUQDISHU

Xildhibaanada mooshinka waday oo la kala furfuray, kuwa Axmed madoobe taageersan oo ka baxay

index

Muqdisho: BNO: – Mooshinkii aay wadeen qaar ka mida xildhibaanada baarlamaanka kaasoo la doonayay in xilka looga tuuro madaxweyne Xasan Sh, ayaa waji kale yeeshay kadib markii xildhibaanada qaar aay sheegeen inay isaga hareen sii socodka mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xasan Sh.

Xildhibaanada isaga haray mooshinka ayaa shegay Kadib kulamo iyo tashiyo kala duwan oo ay yeesheen, in xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee kasoo jeeda Jubbaland ayaa go’aansadeen in ay ka laabtaan mooshinka xilka looga tuurayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay horey u saxiixeen.

Kulanka oo ay hormuud ka ahaayeen wasiirka boostada iyo isgaarsiinta Guuleed Cabdiqaasim iyo Dr. Cabdullaahi Warfaa ayaa waxaa la’isku waafaqay in waqtiga u haray madaxweynaha uu aad u yaryahay, mooshinkana uusan ahayn xalka ugu wanaagsan.

“Waxaan guddoonsanay in aan ka shaqayno sidii mudada dhiman waxa wanaagsan loo samayn lahaa, jiho fiicana loo marsiin lahaa qorshayaasha 2016-ka iyo dhismaha dowlad goboleedyada, iyo dib u eegista dastuurka, sidaasi darteed waan ka laabanay mooshinkii aan saxiixnay” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Shuuriye.

Mooshinka ayaa waxaa saxiixday 93 xildhibaan taariikhda markii ay ahayd 12-kii bishan Agoosto, iyaga oo madaxweynaha ku eedeeyey in uu ku xadgudbey dastuurka.

“Waxyaabaha madaxweynaha lagu eedeeyey waxbaa ka jira, hase yeeshee xalka ugu fiican ma ahan xil ka qaadis, marka la eego danaha qaranka ee naga lumaya, waxaa habboon in laga wada shaqeeyo sidii lagu hagaajin lahaa waxa dhiman” ayuu yiri xildhibaan kale.

Waxyaabaha tixgalinta yeeshen kama marneyn arrimaha Jubbaland oo ay xildhibaanada sheegeen in danaha Jubbaland iyo sidii loo xasilin lahaa sedexda gobol aysan ka dhex arkin in hadda uu dalka galo qalalaase siyaasadeed oo ragaadin kara horumarka hadda la sameeyey.

Baraawe News Online

WARARKA MAANTA AXAD 30 AUGUST 2015-NAIROBI

XILDHIBAAN YUUSUF XASAN OO KA HADLAY DHIBAATOOYINKA SOMALIDA ISLII AY LA KULMAAN

Yusuf-Hassan

Nairobi ; BNO: – Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Sabtidii shalay socod ku maray qeybo ka tirsan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegay inuu bulshada ku dhaqan xaafadda kala hadlay amni xumada iyo dhibaataynta booliska ay ka wadaan xaafadda.

Bulshada ku nool xaafadda ayaa ka cawday falal dhac ah oo qaar ka tirsan ganacsatada deegaanka looga dhacay hanti u qalanta kumannaan doollar.

Waxay kaloo ka cawdeen kiisas dhallinyaro ay ciidanka ammaanka xireen oo la waayay ama la dilay, iyagoo xildhibaanka ku wareejiyay liis ay ku qoran yihiin dhallinyaro Reer Eastleigh ah oo la la’ yahay.

Yuusuf ayaa sheegay in cabasho arrimahan la xiriira uu u gudbiyay wasaaradda arrimaha gudaha iyo taliska booliska, isagoo dalbaday in falalka dhaca iyo kiisaska dadka la la’ yahay lagu sameeyo baaritaan deg-deg ah, tallaabana laga qaado cidda arrimahaas ka damabaysa.

Wuxuu ku ammaanay booliska xarig ay dhowaan u gaysteen labo ka tirsan ayaga oo dhac u gaystay dukaamo ku yaalla xaafadda, kuwaas oo maxkamad la soo taagay.

Wuxuu sheegay in kulan uu la qaatay wasiirka arrimaha gudaha iyo taliyaha booliska ay isku waafaqeen baahida deg-degga ah ee loo qabo in dib u eegis lagu sameeyo hoggaanka booliska degmada Kamukunji iyo dhismaha saldhig boolis oo xaafadda laga sameeyo si wax looga qabto caqabadaha amni ee uu deegaanka wajahayo.

Baraawe News Online

WARARKA MAANTA , AXAD 30-2015-Baydhabo

DIB U DHIS BALLAARAN OO LAGU SAMEEYAY ISBITAALKA DEGMADA BAYDHABO EE GOBOLKA BAY

11243709_1687390181472338_7447496922987390591_nBaydhabo(BNO) — Tan iyo markii Dowladdda  Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u Magacaabay agaasimaha Isbitaalka Baydhabo Cabdifataax Ibraahim Haashi Gaabow ayaa waxaa laga qabtay howlo badan, iyadoo aad arkeysid dib u dhis lagu sameeyey Muuqaalka isbitaalka qaybihiisa kala duwan.

Agaasimaha isbitqaalka ayaa sheegay inay ka shaqeeyaan isbitaalka dhakhaatiir xirfado kala duwan leh, kuwaasoo si hufan u guta hawlahooda shaqo, kuwaasoo lagu soo xuley aqoon-tooda.

Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa bukaanka imanaya waxay ka kala yimaadaan dhamaan deegaanada Gobolka Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo bukaanada Jiifa ay ka kala yimaadeen intooda badan deegaanadaas.

Sidoo kale, Isbitaalka ayaa Waxaa taakuleysa Hay’adda ICRC, waxaa kaloo Mushaaraadka Dhaqaatiirta iyo Daawooyinka ay ka helaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Hoos-tagta Qaramada Midoobay.

Ugu Dambeyntii Dhismaha cusub ayaa loo sameeyey Qaybta Gar-gaarka Deg-degga ah, iyadoo Dayactirka Dhismaha cusub ay dhiseen hay’adda UNDP iyo hay’adaha ku sugan Baydhabo; iyagoo ka caawiyay dhanka qalabeynta.

Baraawe News Online, Baydhabo

WARARKA MAANTA , AXAD 30-2015

Dib u Dhis Ballaaran Oo Lagu Sameeyay Isbitaalka Degmada Baydhabo Ee Gobolka Bay

Baydhabo(BNO) — Tan iyo markii Dowladdda  Koonfur Galbeed Soomaaliya uu u Magacaabay agaasimaha Isbitaalka Baydhabo Cabdifataax Ibraahim Haashi Gaabow ayaa waxaa laga qabtay howlo badan, iyadoo aad arkeysid dib u dhis lagu sameeyey Muuqaalka isbitaalka qaybihiisa kala duwan.

11243709_1687390181472338_7447496922987390591_nAgaasimaha isbitqaalka ayaa sheegay inay ka shaqeeyaan isbitaalka dhakhaatiir xirfado kala duwan leh, kuwaasoo si hufan u guta hawlahooda shaqo, kuwaasoo lagu soo xuley aqoon-tooda.

Isbitaalka weyn ee Baydhabo ayaa bukaanka imanaya waxay ka kala yimaadaan dhamaan deegaanada Gobolka Bay, Bakool iyo Gedo, iyadoo bukaanada Jiifa ay ka kala yimaadeen intooda badan deegaanadaas.

Sidoo kale, Isbitaalka ayaa Waxaa taakuleysa Hay’adda ICRC, waxaa kaloo Mushaaraadka Dhaqaatiirta iyo Daawooyinka ay ka helaan Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo Hoos-tagta Qaramada Midoobay.

Ugu Dambeyntii Dhismaha cusub ayaa loo sameeyey Qaybta Gar-gaarka Deg-degga ah, iyadoo Dayactirka Dhismaha cusub ay dhiseen hay’adda UNDP iyo hay’adaha ku sugan Baydhabo; iyagoo ka caawiyay dhanka qalabeynta.

Baraawe News Online, Baydhabo

WARARKA MAANTA , AXAD 30-2015-MARKA

WASIIRADDA HAWEENKA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY XAALADAHA KA JIRTA MAGAALADA MARKA

Wasiiradda Haweenka Soomaaliya

Muqdisho(BNO) — Wasiiradda Haweenka Xukuumadda Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo ka mid ah Mas’uuliyiintii Dowladda ee shalay tagay Magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegtay in Booqashadeeda Marko ay tahay sidii ay wax uga ogaan lahayd tacadiyada ay la kulmaan shacabka Marka ku nool.

Magaalada Marka ayaa waxaa shalay gaaray wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah madaxweynaha Maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia, iyagoo kulammo la qaatay saraakiisha AMISOM ee degmaadaas ku sugan.

“Aniga halkan uma imaan howlo siyaasadeed ee waxaan u imid dhibaatooyinka Xuquuqul Insaanka ee ka jira Marka inaan ogaado, waxayna ahayd inaan mar hore imaado si aan wax badan uga ogaado xaadaladaha shacabka,” ayay qaar ka mid ah shacabka degmadaas u sheegtay wasiiradda haweenka Sahro.

Sidoo kale, Wasiiradda Haweenka ayaa shacbka ku nool Marka uga tacsiyeyshay dilkii loo geystay bishii hore koox dad ah oo ku sugnaa xaflad aroos, kuwaasoo ay dileen ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM.

Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isna sheegay in degmada Marka dhawaan ay noqon doonto meel ammaan ahaan aad u wanaagsan, shacabka degmadaas ku noolna ay heli doonaan ammaan buuxa.

“Al-shabaab yaanan laga cabsan Alle ayaa Wax Dila, Al-shabaab dhawaan waa laga adkaan doonaa ee aan iska dhicinno innagoo wadajirna,” ayuu isna ka sheegay Magaalada Marka Madaxweynaha Koonfur-galbeed Somalia, Shariif Xasan.

Ugu dambeyn, Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo isna ka hadlay xaaladda ka jirta Degmada Marka ayaa sheegay in degmadaasa ay tahay degmo la dayacay oo aanu ka jirn amni la isku halleyn karo.

Baraawe News Online, Muqdisho

WARARKA MAANTA , AXAD 30-2015-MARKA

MADAXWEYNAHA KOONFUR GALBEED SHARIIF XASAN SHEIEKH ADAN AYAA SHEEGAY IN MAGAALADA MARKA LA GEYN DOONO CIIDAMO BADAN OO AMNIGA SUGA

madaxweynaha KG shariif xasan

Ciidamadaan ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amaanka magaaladaas

Magaalaa marka ayaa waxaa ka dhaca falal amniga lidi ku ah, isla markaasna si loo sugo amaanka ayaan waxaan dhameystiri doonaa maamulka magaalada marka dhawaan, ciidamo farabdana geyn doonaa ayuu yiri madaxweynaha

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa wuxuu shacabka magalaada ugu baaqay ineey la shaqeeyaan maamulka aynan ka cabsan kooxaha nabad diidka ah ee Alshabaab

WARARKA MAANTA, AXAD 23 AUGUST 2015

WAR NAXDIN LEH:
MEYDADKA DHALINYARO SOOMAALI AH OO LAGA HELAY DALKA KENYA

voa6-150x150

Meydadka ilaa Sadex kamid ah dhalinyaro Soomaali ah ayaa laga helay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,Waxayna waalidiinta dhalinyaradan sheegeen in caruurtooda ay ku ogayeen gacanta Ciidamada Booliska Dalka Kenya,ayna layaabanyihiin in loo sheego in Caruurtooda Meydadkoodii laga helay Magaalada Nairobi.

Xildhibaan C/qaadir Oore oo kamid ah Xildhibaanada dalka Kenya gaar haan kuwa ka soo jeeda gobolka W/Bari dalka Kenya ayaa saxaafada u sheegay in dhacdadan noocan ah ay tahay mid layaab leh,Waxuuna sheegay in dadka reer Kenya ay ku tahay dhacdo ku cusub isla Markaan loo baahanyahay in Dowladda Kenya ay ka jawaabto eeda Ciidamada Kenya loo jeedinayo.

Waxaa hubaal ah in Ciidamada Amaanka dalka Kenya ay ka danbeeyaan qorshaha lagu laayey dhalinyarada Soomaalida ah wuxuuna sheegay in ay qaar kale ku jiraan xabsiyada dalka Kenya,kuwaas oo mid walba maalin la waayo doono,kadib Meydkiisa wadooyinka la soo dhigi doono”Waxaa sidaas yidhi Xildhibaan C/Qaadir.

Dhalinyaradii la siii daayey iyo dadka Jooga Xabsiyada qarsoodiga ah ee Ciidamada Amaanka dalka Kenya ayaa noo xaqiijiyey in dhalinyaradaas lagu laayey xabsigaas,waxayna tani tilmaan u tahay sida naxariis darada ah ee Ciidamada Amaanku ay dhalinyarada Soomaaliyeed oola dhaqmayaan. Ayuu yidhi Xildhibaan C/Qaadir Oore oo laga soo doortay G/W/Bari Dalka Kenya.

Xigasho-JubbalandNews

WARARKA MAANTA. AXAD AUGUST 23 2015

MIDOWGA AFRIKA IYO AMISOM OO RAALLI-GALIN KA BIXIYAY SHACABKII LAGU LAAYAY MARKA

AMISOM

Axad, Ogoosto 23, 2015 (BNO) — Mas’uuliyiinta ugu Sarreeya Ciidamada AMISOM iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku Qabteen Nairobi waxay raalli-galin uga bixiyeen; falkii ciidamadoodu ay ku laayeen shacabka 31-dii July ee aynu soo dhaafnay, kasoo dhacay degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeellada Hoose.

Shirka oo ay ka wada qeyb galeen ergayga Midowga Afrika ee Somalia, Danjire, Maman S. Sidikou, Taliyaha Ciidamada AMISOM Lt Gen. Jonathan Kipkemboi Rono, Anand Pillay taliyaha bilayska AMISOM iyo Brig. Gen. Samuel Karuma oo ah taliyaha ciidamada Difaaca Yugaandha ee UDF, ayaa waxey oga jawaabeen su’aalo lagu weydiiyay iyagoona tilmaamay iney aad oga xun yihiin dilka shacabkii aanan waxba galabsanin ee ku sugnaa xaflada aroos.

Maman S. Sidikou oo ka Hadlay dhacdadaas, ayaa Sheegay in toddoba Qof ay si khald ah ugu dileen magaalada Marka Ciidamada AMISOM 31, July, 2015. Halka Wararka madaxa bannaanan ee ay sheegeen in Marka lagu dilay dad 20 qof ka badan.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in saddex askari oo ka tirsan AMISOM Falkaas loo xiray; isla markaasna ay socdaan baaritaano lagu ogaanaayo sababta Shacabka loo laayay.

Mas’uuliyiintan ayaa badankoodu waxay ka jawaabeen su’aalo ay ka mid ahaayeen; inta uu socon doono baaritaanka, ciqaabta ay muteysan doonaan Askarta lagu helo inay dambigaas galeen iyo waliba iney Magdhawi doonaan dadkii eheladooda la laayay. Waxey tibaaxeen in ugu badnaan mudo labo isbuuc ah lagu soo gaba-gabeyn doono baaritaanka kadibna ay tilaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cidii ku lug yeelato, isla markaasna lala hadli doono dadkii eheladooda la dilay.

Dhanka kale, Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM oo howsha ay u joogaan Somalia ay tahay Nabad-ilaalin, ayaa waxaa marar badan lagu eedeyay iney Siyaabo kale duwan u dileen dad aanan hubeysneyn oo shacab ahaa.

Eedeymihii ugu dambeyay ayaa la sheegay iney kala ahaayeen Dilal Wadareedyo ka kala dhacay degmooyin ka tirsan Gobalkada Shabeellada Hoose, Bakool iyo Hiiraan oo la tilmaamay in AMISOM ay siyaabo kale duwan shacab ugu laayeen.

Si kastaba ha ahaatee, Hadalka hogaamiyaasha AMISOM, ayaa ku soo beegmaayo iyadoo 14-kii bishaan ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch (HRW), war qoraal ah ka soo saartay shacabkii lagu laayay magaalada Marka.

Waxeyna Hay’addu ugu baaqday Taliska AMISOM iney baaritaan madax bannaan ku sameeyaan askar Uganda ka socota ee AMISOM oo lagu eedeeyay inay lix nin ku dileen aroos ka dhacay magaalada Marka taariikhdu markay ahayd 31-kii bishii aynu soo dhaafnay ee Luuliyo.

Sidoo kale HRW waxey ku sheegtay baaritaan ay soo saartay in dad goob joogayaal ahaa ay u sheegeen, in kaddib markii bambo lagu weerarray kolonyo Ciidamada Uganda ee AMISOM ka tirsan ay galeen dhowr guri oo ku yaalla xaafadda Rusiya ee magaalada Marka. Mid ka mid ah guryahaas oo ay ka socotay xaflad Aroosna ay ciidamadu dadkii joogay u kala saareen Rag iyo Dumar, kadibna ay halkaas ku toogteen lixda nin oo kala ahaa; Afar wiil oo isla dhalatay, Aabbahood iyo waliba Adeerkood.

Baraawe News Online

WARARKA MAANTA

Khasaarihii ka dhashay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Kismaaayo oo aad u Kordhay
Qarax_Kismaayo (2)

Axad, Ogoosto 23, 2015 (BNO) — Tirada Dadkii ku Dhintay Weerarkii Shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa kor u kacday, iyadoo dhaawacyadoodu aadka u darnaayeen loo soo qaaday Muqdisho; sida uu sheegay C/qaadir Xaaji Luga-dheere oo ah madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubbaland.

Geerida ayuu sheegay C/qaadir Luga-dheere inay gaarayso 25-qof, halka ku dhaawcmeen tiro ka badan 30-qof, iyado ciidamaduna ay toogteen ruux ay uga shakiyeen inuu ku Lug lahaa Weerarkaas Is-miidaaminta ah.

“Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa gacanta ku haya Amniga Xeradii Qaraxa lagu Weeraray. Weerarka khasaare badan ayuu dhaliyay, wuxuuna ahaa mid si lama filaan ah u dhacay, balse wixii maanta ka dambeeya waa ka digtoonaan doonnaa weerar noocan oo kale ah,” ayuu yiri Luga-dheere oo Warbaahinta la hadlay.

Sidoo kale, Luga-dheere ayaa xusay in Qaraxan oo kale aanu horay uga dhicin Kismaayo, ayna ahayd meelaha aadka ay ugu yaraayeen qaraxyada, taasoo ku timid feejignaanta ciidamada Ammaanka.

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in dhaawacyada intii Muqdisho loo qaaday maahane; intii kalena lagu daweynayo Isbtiaalka Magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dileen in ka badan 100 Askari oo ay ku jireen Afar ka tirsan Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM oo uu sheegay inay Tababarayaal ahaayeen.

Ugu dambeyn, Weerarkan ayaa dhacay xilli ciidamada isku-dhafka oo Dowladda Somalia ka tirsan lagu qarxiyay gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo aysan jirin cid shacab ah oo uu weerarkan khasaare kasoo gaaray.

Baraawe News Online-Kismaayo