AIRPORKA CAASIMADA KOONFUR GALBEED EE BARAAWE OO LA DHAGAX DHIGAY MAANTA

Wafdi balaaran uu hogaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Sharif Xasan Sheikh Adan ayaa maanta ka degay magaalada baraawe si eey usoo dhagax dhigaan Airportka cusub ee laga dhisaya magaaladaas
Airportka cusub ayaa waxaa laga dhigayaa meesha lagu magacaabo Mudun Baraawe oo magaalada ujirta ilaa hal kilo mitir

11825859_1075726822438306_8510824427908982862_n11825859_1075726822438306_8510824427908982862_n

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa lasocday Suldaanka Guud ee Beelaha TUNI shangamaas , labao tol iyo Toore, suldaan Xeydar Suldaan Suufi Suldaan Munye Dheere iyo xubno kaloo katirsan maamulka KG iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya
Madaxweynaha KG ayaa waxaa sidoo kale lagu soo wareejiyay meelo badan oo magaalada Baraawe ka mid ah sida sartii hore ee Commisaariyaha halkaasoo laga dhigi doono xaafiisyada madaxtooyaga Dowlad goboleedka KG

11216259_10153362714380073_6422741158069606967_n

11866480_1075726549105000_3463735335432035166_n

Wariye madkuus
Mudun-Baraawe

SAWIRADI HORJOOGE AXMED MADOOBE OO LAGA GURAY WADOOYINKA KISMAAYO IYO WAX DOORASHO AH OO DHACAYN 15 AGOOSTO

Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay sheegayaan in shalay galinkii dambe lagu arkayay gudaha magaalada Kismaayo Gaadiid lagu gurayo sawirada Horjoogaha Maleeshiyo Beleedka Raaskambooni Axmed Madoobe oo dhawaan lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in gabi ahaan laga guray sawiradii Horjoogaha Maleeshiyo Beleedka Raaskambooni Axmed Mdoobe ee dhawaan lagu xardhay wadooyinka magaalada Kismaayo, kadib markii sida wararka aan ku eleyno uu isagu baxshay amar ah in laga soo guro.

Ilo wareedkeena ayaa waxa uu sheegay in uu Horjooge Axmed Madoobe si cad uu u yiri ma ay dhacayso wax doorasho ah dib ayaana loo dhigay ee sawirada ka soo gurra wadooyinka.

Dhinaca kale waxaa jira in doraad ay gaareen magaalada Kismaayo wafdi uu horkacayay Faarax Cabdulqaadir uuna ka mid ahaa Cabdiraxmaan dheere oo labaduba ka tirsan urur Diimeedka Damujadiid ee uu ka tirsan yahay Xasan Sheek Maxamuud, sida aanu xogta ku heleynana ujeedka safarkooda ayaa waxa uu salka ku hayay oo ay kala hadlayeen Horjooge Axmed Madoobe laba qodob in doorashada uu seegay uu dib u dhigo iyo in Baralamaan ku sheega been abuurka ah ee Raaskambooni muranka ka taagan la xaliyo.

Isku soo wada duuboo waxaan la ogeeyn halka ay saldhigan doonaan khilaafyada sii xoogeeysanaya ee ka taagan deegaanada gobolada Jubbooyinka, sidoo kale waxaan la ogeyn waxa uu yeeli doono Horjoogaha waqtigiisu gabaabsiga yahay Axmed Madoobe oo 26 goosto ugu egtahay xiligii loo qabtay ee KMG ahayd iyo Horjooge Axmed Madoobe oo ay iminka soo wajaheen khilaaf u dhexeeya Maleeshiyo Beeleedkiisa, Siyaasadiisi oo fashilantay, Gobolada kale ee Jubbooyin oo maaliba maalinta ka dambeysa gacanta u galaya dhinaca hubeysan ee ka soo

C/RAXMAAN BAADIYOW “XASAN SHEEKH WAXAAN CODKA U SIINAY IN IS BEDEL UU DALKA KA DHACO”

Tan iyo markii Madaxda Dowladda Somaliya ay ku dhawaaqen inaanay doorasho qof iyo cod ka dhici karin dalka sanadka soo socdo, ayaa waxaa soo badanaaya siyaasiyiinta sida adag u dhaliilaysa Dowladda.

Siyaasiga C/raxmaan Macalin C/laahi (Baadiyow), ayaa markale si kulul u weeraray Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoona ku eedeeyay inay ku fashilmatay hannaanka Dowladnimo.

timthumb.php

“Anaga waxaan go’aansanay inaan la shaqayno, waxaa go’aankeenu ahaa doorashada markii la galay inaan dhammaan Dowladda Somaliyeed wax ka dhisno. Dadka Somaliyeed way ogyihiin dhammaan waxaan ahayn dadkii codka siiyay Madaxweyne Xasan Sheekh inteenii tartantay. Waxaan rabnay is bedel inuu Somaliya ka dhaco dowlad la wada lee yahay, oo dadka Somaliyeed dhammaan ay ka wada qayb qaataan inta ayaga tartanka ka qaybgashay iyo inta kalaba.” Ayuu yiri Siyaasiga C/raxmaan Macalin C/laahi.

Markale waxa uu yiri “Laakiin dowlad waxaa soo baxday rabta inay keligood dowlad yihiin rumeysan, waxaa soo baxay nidaam feker ku dhisan oo Villa Somalia ka jira, oo ah keli talis Somaliya ay ka xarooday 25 sano ka hor inuu soo noqdo, oo anaa iska leh dalka iyo dadka ku dhisan. Hantida anigaa saan rabaa ka yeelayaa, shaqada qofkaan rabaa siinayaa, aniga keliyaa jiro, wax kaloo jiro ma jiraan.”

“Waad ogtihiin khilaafaadka Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Madaxweynaha ka dhaxeeya. Waxaad ogtihiin waxaa la baabi’iyay awooddii uu Baarlamaanka u lahaa inuu sharciga ilaaliyo, waardiyeeyo Dastuurka.” Ayuu yiri C/raxmaan Macalin C/laahi.

“Sidaasi darteed anaga waxaan ku hadleenaa maslaxada shacbiga Somaliyeed, waxaan difaacaynaa muwaadinka Somaliyeed oo laga marin habaabinaayo xaqiisa laga qaadaayo iyo Dowladnimadiisa.” Ayuu yiri C/raxmaan Baadiyow.

Sidoo kale wuxuu yiri “Anagana waxaan u soconaa maba ahan yaa wax xukumaaya, yaan wax xukumayn. Dalka Somaliya khatar buu ku sugan yahay, shacbiga Somaliyeed waxay u baahan yihiin inay fahmaan inaan dowlad ka imaanayn nidaamka maanta Villa Somalia jooggaa inuusan dariiq dowlad ku hayn, oo dowlad Somaliyeed oo dadka Somaliyeed u dhan yahay inaysan ka imaanayn inaan u sheegno ayaan rabnaa.”

Waxa uu intaa ku daray hadalkiisa “Waxaan anaga rabnaa inay muuqato waxa la samaynaayaayi, waxa laga shaqaynaayo wax dadka Somaliyeed wada lee yahay, oo ka tashanaayo inay tahay. Laakiin anagaa dowlad ahoo Villa Somalia joognaa, dalkana meelahan xukuno waa yar tahay, saan anaga rabno hala yeelo, anaga kuma yeeli karno. Waxaan rabnaa talo Somaliyeed oo dadka Somaliyeed wada lee yahay, Gobolada hadday yihiin, hadday Xisbiyo yihiin iyo bulshada rayidka, haddii aan nahay. Dhammaanteen waxaa la rabaa dadka Somaliyeed waxay raali ka yihiin. Laakiin rag keli talis raba ee iyagu say rabaan loo yeela raba, oo dadka inay ku khasbaan raba, saas waa laga diiday, mana shaqaynayso.”

Maxamed Madkuus

Xaafiiska wararka Baraawe News
baraawelandpress@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

QODOBADA UGU MUHIIMSAN EE KASOO BAXAY SHIRKII HIIGSIGA 2016-KA EE SOOMAALIYA

Jimco, Luuliyo 31, 2015 — Shirkii Hiigsiga Somalia ee 2016-ka oo shalay lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho ayaa waxaa laga soo saaray illaa 37 qodob oo ay ku xubnihii ka socday beesha Caalamka.

images

Qodobada Shirka kasoo baxay waxaa ka mid ah in la taageero maamul goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya, iyadoo si gaar ah loo taageeray maamulka KMG ee Galmudug iyo Baarlamaankiisa.

Waxaa kaloo Qodobbada ka mid ahaa in la Taageero Dib u dhiska Hay’adaha Dowladda Federaalka Somalia, Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo in sidoo kale la dar-dar-geliyo Hawlaha Horyaala Dowadda; dhameystirka Federaalka iyo dib u habeynta Garsoorka.

Sidoo kale, Waxaa ka mid ahaa dib-u-eegista Dastuurka Somalia, iyadoo loo marayo Hab-sharciyeysan oo Federaal ah oo loo dhan yahay iyo inay Hoggaanka Somalia iyo Golaha Baarlamaanka ay Qorshe mideysan ka gaaraan doorashada Sannadka 2016-ka, taasoo hor-seedeysa horumar.

Waxaa la amaanay dagaalka ka dhanka Argagaxisada ee ay wadaan ciidamada Somalia iyo AMISOM, iyadoo la Dar-dar-gelin doono Howlgalka Wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Al-shabaab; iyadoo howlgalka lagu dhinac adayo Gargaar bani’aadamnimo, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista Sharciga.

Xubnihii Shirka ka Qayb-galay Waxay kaloo isku raaceen inay Tallaabo muhiim ah tahay dardar-gelinta dhaqaalaha iyo deeqaha caalamiga ah iyadoo la marsiinayo Bangiga Dhexe ee Somalia, lana Tix-raacayo Sharciga 1989-kii oo ahaa Kaabista Dhaqaalaha, Dowlad-wanaagga iyo baahinta maamullada.

Dhanka kale, waxaa Qodobbada Shirka ka soo baxay ka mid ahaa Qorshaha Dib-u-eegsita waxayaabihii Qabsoomay laga soo hoyo Guulo wax-ku-ool ah; iyadoo la garwaaqsaday in lasii horumariyo, Waxaa la isla gartay in si gaar ah loo eego Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Yeman kasoo Qaxay, sida inay helaan dib u dejin iyo hooy.

Qodobbada waxaa ka mid ahaa in Somalia aysan Duruuftu saameyn in Doorasho Qof iyo cod ah loo dareero, balse badalkeeda ay dalka ka dhici doonaan doorasho ka ballaaran tii hore u soo martay, iyadoo aysan jirin wax waqti kororsi ah marka uu Dhammaado Xilliga Dowladda Federaalka ah ay Shaqeynayso Sannadkii 2016-ka.

Ugu dambeyn, Shirka Hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka ayaa ka socday Muqdisho Laba Maalmood ah, iyadoo ay ka qaybgaleen 32 wafdi oo ka kala socday Beesha Caalamka, Dowladda Somalia iyo sidoo kale xubno ka socday Maamullada dalka ka jira Qaarkood.

GUDDIGA XUDUUDAHA & FEDERALKA SOMALIYA OO MAANTA MAGALADA MUQDSHO KU DOORTAY GUDOOMIYE IYO GUDOOMIYE KU XIGEEN

Maanta Magaalada Muqdisho waxa kulan ku yeeshay Guddiga Xuduudaha & Federalka Somaliya, waxayna ku doorteen Gudoomiye, Gudoomiye Ku Xigeen iyo Xoghaye.

astaanta-qaranka

Guddiga oo ka kooban sagaal xubnood, ayaa waxaa wax dooranayay sideed ka mid ah. Waxayna Gudoomiyaha Guddiga u doorteen Khaliif C/kariin Maxamed. Waxayna Gudoomiye Ku Xigeen u doorteen Muuse Waxgarad C/laahi, halka Xoghaye loo doortay Liibaan Cali Sahal, waxa doorashada ka qeyb galay xubno ka socday Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya.
.
Mudane Khaliif oo loo doortay gudoomiye ayaa ka hadlay madasha lagu doortay, wuxuu si diiran u soo dhaweeyay xilkaasi loo doortay, waxa uuna mahadcelin u jeediyay kuwii soo doortay iyo xubnaha ka soo qeyb galay.

Dhammaan xubnihii la doortay ayaa waxay ku baaqeen in lagu taageero, si ay u gutaan waajibaadkooda.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Federalka Somaliya, ayaa waxay ka hadashay doorashada maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyadoona ammaantay qaabka ay wax u doorteen Guddiga Xuduudaha & Federalka kulana dar darantay in ay dar dar geliyaan howlaha hor yaala.

info@markacadey.com

info@markanews.net

DAGAAL ASKAR BADAN AY KU HOOBATAY OO KA SOCDA INTA U DHAXEYSA DEGMOOYINKA

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Al Shabab iyo Ciidamadda Dowlada Soomaaliya ayaa ka socda Deegaanka Carracase oo u dhaxeeya Magaaladda Garbahareey iyo Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warar laga helaayo dadka deegaanka waxay sheegeen in La isku adeegsanayo Madaafiic Xoogan oo ku soo dhaceysa Halka Dagaalka uu ka socdo.dagaal

Ciidamadda Dowlada oo kaashanaya Kuwa AMISOM ayaa beryahan waday howlgal culus oo ka dhan ah Al Shabab iyagga oo Kooxda kala wareegay toddobaadkii hore Magaalooyinka Baardheere iyo Diinsoor, ayaa waxa la sheegayaa dhimasho 13 askari oo isugu jira dhinacyada dagalama iyo dhawaac badan.
Al Shabaab ayaa caadi u ah in ay magaalo ka baxdo ka dibna ay ku sameyso jid gooyo ama cuna qabateyn.

info@markacadey.com

info@markanews.net

KHILAAF U DHAXEEYA LABA WASAARADOOD OO KA TIRSAN DF SOMALIYA

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo fara geliyay khilaaf la sheegay in u dhaxeeyo labada wasaradood eek ala ah wasaarada ganacsiga iyo Arimaha dibadda.

Labadan wasaaradooy ayaa khilaafkooda waxa uu salka ku hayaa maalgashiga dalka, ka dib markii u caal waayay R/wasaraha Somaliya iyo gudi uu u xilsaaray.

Wasaaradda Ganacsiga ayaa June 2013 Baarlamaanka u gudbisay Hindise sharciyeed ku saabsan Maalgashiga dalka oo muddo dheer qaatay kadibna dib loo celiyay, Kadibna waxaa soo if baxay sharci kale oo wasaaradda arrimaha dibadda dooneyso in Baarlamaanka loo gudbiyo, waxaase ka hor timid wasaaradada ganacsiga.

Mudane Xasan ayaa si cad ugu sheegay wasaaradda Ganacsiga inaysan wax shaqo ah ku lahayn arrinta maalgelinta oo ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda, sidaasina sharciga maalgashiga ay Baarlamaanka geyn doonto Wasaaarada arrimaha dibadda.

Xulashada Ra’iisal wasaare ayaa ahayd in waxii khilaaf ah ee soo kala dhax gala in uu xaliyo Madaxweynaha asagana in ahaado magic u yaal golaha wasiiradana shir gudoomiyo

info@markacadey.com

info@markanews.net

KOOXO HUBEYSAN OO XALAY DIL KA GEYSTAY DEGMADA JANAALE.

Wararka ka imaanaya Degmada Janaale ee Gobolka shabeelad hoose ayaa sheegay in in halkaasi xaly lagu dilayt nin ka maid ahaa dadka halkaasi ku dhaqnaa.

Wararka ayaa tilmaamaya in dilka ninkan ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo gurigiisa kala baxay islamarkaana ku dilay bartamaha Suuqa Janaale.

JANAALE

Dadka ku dhaqan Degmada Janaale ayaa saake ku waabariistay Nin Meyd ah oo dhexyiilay Suuqa oo dadka in mud ah ay garan waayeen.

Ninka la dilay ayaa magaciisa waxa lagu sheegay Cadow Baari oo ka mid ahaa dadka halkaasi in muda ah ku noolaa.

Lama oga cid ka dambeysa Dilkiisa iyo sababta loo dilay, iyadoona dadka ku dhaqan Janaale ay ka gaabsanayaan inay tafaasiil dheeri ah ka bixiyaan.

Degmada Janaale ayaa waxaa kusoo badanaya Dilka loo  geysanaayo shakhiyaad si weyn loogu garanayo Degmad, waxaana dhawaan halkaasi lagu dilay nin kale oo isagana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka halkaasi ku dhaqan.